Maroodiga Zimbabwe oo loo dhoofiyay Shiinaha

Maroodiyada Zimbabwe
Qoraalka sawirka, Maroodiyada Zimbabwe
Published

Afar iyo labaatan maroodi yaryar ah ayaa dalalka Tanzaniya iyo Zimbabwe looga dhoofiyay dalka Shiinaha.

Maroodiga ayaa lagu iibiyay mid kasta ku dhawaad afartan kun oo doolar.

Dowladda Zimbabwe ayaa sheegaysa in ay u baahan tahay aruurinta lacag lagula dagaalamo xaalufinta xayawaanka duur joogta ah.

Balse kooxaha xanaaneeya duurjoogta ayaa arrinkaasi ka carooday.

Wasiirka deegaanka ee dalka Zimbabwe ayaa sheegay in shirkad gaar loo leeyahay ay xamuul diyaaradeed ahaan ugu dhoofisay dalka Shiinaha.

Dadka xanaaneeya duurjoogta ayaa sheegaya in maroodiga ay u baahan yihiin sanado badan in ay la joogaan waalidkooda, in laga fogeeyana waa arrin aad u xun.

Maroodiga yaryar ayaa ku noolaan doona meelaha lagu xanaaneeyo xayawaanada oo u dhaw magaalada barriga ku taala ee Guangzhou,ee dalka Shiinaha.

Waxaana la sheegayaa in xayawaanka ku jira halkaasi sixun loolla dhaqmo laguna hayo meel aan xaalkeeda wanaagsaneyn.

Dad badan oo u dhashay dalka Zimbabwe ayaa u arka maroodiga saaxiib, waxa ayna kula saaxiibaan miro iyo waxyaabo ka baxa geedaha.