Djokovic oo ku guulaystay tartan £1.88 milyan

Xigashada Sawirka, PA
Published
Novak Djokovic oo u dhashay dalka Serbia ayaa ku guulaystay koobka tartanka caanka ah ee Tennis-ka Wimbledon.
Waxaa uu ka adkaaday Roger Federer oo u dhashay Switzerland.
Waa markii 3aad ee Djokovic uu qaadayo tartanka Tennis-ka Wimbledon.
Waxaa uu soo bandhigay ciyaar la yaab leh oo uu meesha kaga saaray Federer oo tartanka ku raaxeysan jiray. Djokovic 7-6 (7-1) 6-7 (10-12) 6-4 6-3 Federer.
Federer waxaa uu doonayay inuu noqdo ciyaartoygii ugu horreeyay ee siddeed jeer ku guulaysta tartanka Wimbledon.
Djokovic oo ah number-ka 1aad ee Tennis-ka adduunka waxaa uu qaatay lacag dhan £1.88 milyan oo geniga Ingiriiska ah.
Waa koobkii 9aad ee uu ka soo hooyo tartammada tennis-ka caalamiga ah.



















