Warbixin qaraxa Muqdisho

Published

Qaraxa oo dhacay lixdii maqrinimo ayaa loo adeegsaday baabuur. Waxaa ku dhintay ugu yaraan toddobo, ku dhawaad toban kalena waa ay dhaawacantay.

Madaxtooyada, ayaa waxaa maalmihii ugu danbeeyay ka socday shir hordhac u ah wadatashiga qaran ee hanaanka doorashada sanadka 2016.

Shirka waxaa ka qaybgalay madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Waxaa maanta shirka ka soo baxay war murtiyeed, ay ku sheegeen in kulankooda ugu horeeya uu dhaci doono 14 bisha Oktoobar, si looga tashado qaabka ay u dhici doonto.