Xiriirka Shefield iyo Hargaysa
Published
Waxaa magaalada Sheffield ee dalka Britain ku sugan wafdi ka socda dowladda hoose ee Hargeysa, kaasoo uu horkacayo ku-xigeenka duqa magaalada.
Ujeedada socdaalkooda ayaa ah sidii ay magaalada sheffield, uga heli lahaayeen taageero dhanka bixinta adeegyada asaasiga ah.
Cabdicasiis Maxamed Xaashi Cagaweyne oo ah ku-xigeenka duqa Hargeysa ayaa BBC uga waramay socdaalkiisa.