Ra'iisalwasaaraha Yemen oo weerar ka badbaaday

Hotelka ayaa waxaa deganaa Khaled Bahah iyo wasiiradiisa.
Qoraalka sawirka, Hotelka ayaa waxaa deganaa Khaled Bahah iyo wasiiradiisa.
Published

Masuuliyiinta Yemen ayaa sheegay in Ra'iisalwasaare Khaled Bahah uu badbaaday isagoon waxba gaarin, kadib markii weerar lagu qaaday Hotel Qasr ay doweladda deganayd magaalada Cadan.

Dhowr qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen weerarka, oo lagu eedeeyay inay ka danbeeyaan Shiicada Xuutiga.

Gantaal kale ayaa ku dhacay xero ay degenaayeen ciidamo ka yimid Isutaga Imaaraadka Carabta, oo kamid ah waddamada caawinaya dowladda Yemen.