Ciidamada Uganda oo ka baxaya K/sudan

Xigashada Sawirka, AP
Published
Madaxa ciidamada Uganada ee dalka Koonfurta Sudan, ayaa sheegay in ciidamadiisu ay wadanka ka soo baxayaan dhammaadka toddobaadka.
Sida laga soo xigtay heshiiskii nabadeed ee dhawaan dhexmaray dowladda Koonfurta Sudan iyo kooxda falaagada, ayey dhammaan ciidamada shisheeye ay aheyd in ay ka baxaan wadanka ugu dambeyn sabtigii.
Waxaana la filayaa in ciidmo gobolka ah lagu badalo, balse weli ma bilaabin shaqadooda.
Ciidamada Uganda, ayaa ku galay dalka Koonfurta Sudan labo sano ka hor codsi kaga yimid madaxweyne Salva Kiir. Falaagadana waa ka horyimaadeen joogista ciidamadaasi balse kormeerayaal, ayaa sheegay in ay xasiloonida ku soo celiyeen magaalada xarunta ee Juba.



















