Tanzania: Xisbiga CCM oo guulaystay

Xigashada Sawirka, Reuters
Published
John Magufuli, oo ah musharaxa xisbiga talada haya ee CCM ayaa ku guulystay doorashada madaxweynenimada Tanzania, isagoo helay 58.46 boqolkiiba cod bixinta.
Halka musharaxa mucaaradka Edward Lowassa uu helay 39.97 boqolkiiba.
Tirada dadka codka dhiibtay ayaa ahaa 67 boqolkiiba. Doorashada ayaa ahayd mid tartan adag iyadoo ay ka qayb galayeen mucaarad is bahaystay.
Mucaaradka ayaa diiday natiijada, waxayna sheegeen in dib loo tiriyo codadka.



















