Tirada dhimashada dhulgariirka Ecuador

Guryaha ayaa aad u burburay
Qoraalka sawirka, Guryaha ayaa aad u burburay
Published

Shaqaalaha samata bixinta iyo ciidamada dalka Ecuador ayaa weli waxa ay wadaan baadigoobidda dadka ku waxyeeloobay dhulgariir dalkaasi ka dhacay.

Dhulgariirkaasi ayaa lagu sheegay inuu yahay kii ugu awoodda badnaa ee Ecuador ka dhaca muddo tobannaan sano ah.

Ciidamada ayaa ka qeybgalaya howlgalka badbaadinta
Qoraalka sawirka, Ciidamada ayaa ka qeybgalaya howlgalka badbaadinta

Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi, Jorge Glas, waxa uu sheegayaa in 246 qof ay ku dhinteen, sidoo kale in kabadan 2500 oo qof ay ku dhaawacmeen.

Dhismayaal ayaa burburay, jidad ayaa isu badalay boholo, iyo qadadka korontadana way go’een.

waa mid kamid ah dadka uu guryaha ka dumiyay dhulgariirka
Qoraalka sawirka, waa mid kamid ah dadka uu guryaha ka dumiyay dhulgariirka

Magaalooyiinka uu dhulgariirka meesha ugu xun uu saameeyay ay tahay magaalo lagu magacaabo Pedernales.

Duqa magaaladaasi waxa uu sheegayaa in ay suuragal tahay in inkabadan 100 qof ay halkaasi ku dhinteen, dadka qaarna ay hoteellada ku dumeen.

Dhulgariirka cabirkiisa waxa uu ahaa 7.8, waana kii ugu xoogga badnaa tan iyo 1979kii ee ka dhaca dalkaasi.