Tahriibayaal Somaali oo ku dhintay badda

Xigashada Sawirka, AP
Wararka laga helayo dalka Masar ayaa sheegaya in doon siday tahriibayaal ay ku gadoontay badda Masar agteeda.
Dad badbaaday ayaa gaaray jasiirad Gariiga iyagoo ka hadlay shilka.Warar laga helayo dalka Masar waxa ay sheegayaan in doon siday dad badan oo tahriibayaal ah oo tiradooda aan la xaqiijin.
Wararka qaar sheegayaan in qiyaastii 400 oo qof ay doonta siday, oo u badan Soomaali.
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar waxa ay xaqiijisay in doontaan ay degtay, laakiin lama garan karo tirada saarneyd iyo inta ku dhimatay iyo tirada ay Soomaalida ah.
Sidoo kale nin Soomaali oo turjumaan ah oo ku sugan dalka Giriigga ayaa BBC-da u sheegay in dadkii laga badbaadiyay doontaasi la gaarsiiyay dalkaasi, sidoo kale in gurmad lagu raadinayo maydadkana la bilaabayo maanta.
Waxaa baraha bulshada lagu baahinayaa sawirada dhallinyaro la sheegay inay kamid yihiin dadka ku dhintay badda ee doontaasi qallibantay la socday.
Dadkan tahriibayaasha ah waxay ku wajahnaayeen dalka Taliyaaniga, waxayna ka ambabexeen dalka Masar.
Faadumo Abdi Diiriye waa mid kamid ah ehellada dadka ku dhintay badda. Seddax wiil oo qaraabadeeda ah, oo ayada kula noolaa magaalada Qaahira ayaa kamid ah dadka dhintay.
“Waan ogeyn waana uga digay laakiin qof illaa Soomaaliya soo lugeynaayay oo soo maray Itoobiya, Sudan oo taagan badda lama celin karo”, ayey tiri Faadumo.
Inkastoo dhacdadan loo maleynaayo inay Soomaali badan saameysay, hadana, waxaa maanta sanad laga joogaa markii 800 oo qof ay hal mar ku dhinteen badda u dhexeysa liibiya iyo Taliyaaniga.























