Erdogan oo doonaya casriyaynta Gezi

Xigashada Sawirka, AFP
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa shaaca ka qaaday in uu dib u soo nooleynayo qorshe muran dheliyay oo lagu dayac tirayo isla markaana isbedal lagu sameynayo fagaaraha Gezi ee ku yaalla bartamaha magaalada Istanbul.
Qorshahani oo dowladda ay damacday in ay ku dhaqaaqdo muddo haatan laga joogo saddex sano, ayaa waxaa ka dhashay dibed baxyo rabshado wata oo ka dhan ah dowladda.
Siddeed qof ayaa lagu dilay rabshadahaasi ka dhashay qorshaha laguy dhalan-rogaya fagaaraha Gezi, waxaana sidoo kale xabsiga loo taxaabay kumannaan qof.
Isbedalkan la qorsheynaya ayaa waxaa ka mid ah in halkaasi laga dhiso masjid weyn iyo xeryo ciidan oo loo ekeysiinayo kuwoo ciidamadii dowladdii Cusmaaniyiinta oo halkaasi ku yaalli jiray.
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegaya in mashruucani uu muhiim u yahay si dib loogu muujiyo taariikhdii Cusmaaniyiinta.



















