Cameroon oo lagu eedeeyey in ay khasab ku celisay qaxooti Nigerian ah

.
Qoraalka sawirka, .
Published

Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in dalka Cameroon si xad gudub ku ah heshiisyada caalamiga ah khasab ugu celiyey 100,000 oo qaxooti Nigeira u dhashay.

Hay'addu waxay ku eedaysay askarta in ay dib u celiyeen qaxooti ka cararayey colaadda ay kooxda Islaamiyiinta ah wadaan iyo sidoo kale in ay faro xumeeyaan haweenka.

Cameroon waxay qaxootigaa ku "ciqaabaysaa" in ay ku noqdaan weerarrada Boko Haram, ayay tidhi Hay'addu.

Cameroon ayaa se hore u beenisay eedaymo kuwan la mid ah waxaanay sheegay in dadkaa Nigeria u dhashay iyagoo ogol la celiyey.

"Ilaa horraantii 2015 kii , ayaa maamulka Cameroon wuxu khasab ku masaafuriyey ugu yaraan 100,000 oo qaxooti Nigerian ahoo ku noolaa cidhifyada fogfog ee soohdinta oo uu ku celiyey colaadda, baraka iyo macaluusha ay Boko Xaraam ka dhalisay gobolka Borno ee Nigeria" ayey tidhi warbixinta Human Rights Watch.

Nin 34 jir ah oo ka soo jeeda gobolka Borno ayaa u sheegay hay'adda in walaalkii u dhintay dhiig ku furmay ka dib markii askarta Camaroon ay budh la dhaceen.

" Waxay noo duleeyeen sida xawayaanka oo kale sida adoomahana way noo uleeyeen" ayuu yidhi.

Maamulka Cameroon ayaa hore u sheegay in mitidiinta Boko Xaraam ay soo galeen dalka iyaga oo iska dhigaya qaxooti.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegay in qaxootiga oo khasab lagu celiyaa ay xad gudub weyn ku tahay Axdiga Qaxootiga ee 1951 iyo Axdigii Ururka Midnimada Afrika ee 1969 oo labadaba ay Cameroon saxeexday.