Chelsea 2-0 Wolverhampton

Published

Kooxda Chelsea, waxay laba iyo eber kaga badisay kooxda Wolverhampton.

Waxaa labada gool u dhaliyay Malouda oo daqiiqadii 23-aad ee qaybgta hore iyo goolka labaad oo Solomon Kalou uu 81 daqiiqo ciyaarta oo maraysa uu u labeeyay, iyadoo Malouda uu markaas uun daqiiqado kahor soo galay.

Chelsea waxay sidaa ku yeelatay 22 dhibcood, oo hogaanka ay ku hayso.

Kooxda ugu soo dhow waa kooxda Manchester City oo ay ka horayso 5 dhibcood.

Manchester City beri ayay la cayaaraysaa kooxda Arsenal. Waa cayaar aad loo wada-sugayo.

Arsenal-na waa kooxda shanaad oo 14 dhibcood ayay leedahay. Waxaa ka sareeya oo kale Tottenham iyo West Brom.

Manchester United oo Arsenal ay isku dhibco yihiin, balse goolal looga sareeyo, waxay Axadda la ciyaaraysaa Stoke oo gurigooda ay ku booqanayaan.