France iyo Germany oo soo gudbay

Taageerayaasha Algeria
Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Algeria
Published

France iyo Germany ayaa u gudbay wareegga sideedda koox kadib markii ay ka adkaadeen kooxihii ugu dambeeyay ee Afrika ee kala ah Nigeria iyo Algeria.

German ayaa Algeria ku garaacday 2-1. Halka Farance ay Nigeria uga badisay laba gool iyo waxba.

Algeria oo laga badiyay
Qoraalka sawirka, Algeria oo laga badiyay
Germany oo ka badisay Algeria
Qoraalka sawirka, Germany oo ka badisay Algeria
Taageerayaasha France oo xalay garaacday Nigeria
Qoraalka sawirka, Taageerayaasha France oo xalay garaacday Nigeria

Marka la isbarbar dhigo labada ciyaar waxaa aad u adkeyd tan ay wada lahaayeen Algeria iyo Germany, taas oo xittaa ay isla gaareen 30 daqiiqo oo dheeraad ah.

Ciyaarta dhexmartay Frence iyo Nigeria, waxaa loo arkay inay labada dhinac ay u ciyaarayeen si isku mid ah, walow ay iska beerdareeyeen fursado badan.

German waxay badisay daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray
Qoraalka sawirka, German waxay badisay daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray

Nigeria ayaa heshay fursadaha ugu badan ee ay gool ku dhallin kareen, laakiin ma aysan ka faa;ideysan. Dhanka France, waxaa aad u hor istaagay oo u diiday inay gool dhaliyaan gool-hayaha kooxda Nigeria.

France waxay u gudbeen wareegga sideedda koox
Qoraalka sawirka, France waxay u gudbeen wareegga sideedda koox
Markii laga dhaliyay goolka labaad Nigeria
Qoraalka sawirka, Markii laga dhaliyay goolka labaad Nigeria
Goolka looga badiyay Nigeria
Qoraalka sawirka, Goolka looga badiyay Nigeria

France iyo Germany waxay kuwada kulamayaan wareegga sideedda koox ama rubuc dhammaadka ciyaaraha.

France iyo Germany ayaa kulmi doono
Qoraalka sawirka, France iyo Germany ayaa kulmi doono

Dhanka kale, guddiga ciyaaraha ee dalka Cameroon ayaa sheegaya inay baarayaan sheegashooyiin ah ciyaar lagu heshiiyay natiijadeeda in tii lagu guda jiray ololaha koobka adduunka.

Waxaa laga adkaaday dhammaan seddaxda kullan ee ay ciyaareen, iyadoo mid ka mid ah oo ay la yeesheen Croatia looga badiyay 4-0

Cameroon oo baareysa ciyaarihii ay yeelatay, sababta looga badiyay
Qoraalka sawirka, Cameroon oo baareysa ciyaarihii ay yeelatay, sababta looga badiyay
Cameroon ayaan marna badin intay ciyaaraha socdeen
Qoraalka sawirka, Cameroon ayaan marna badin intay ciyaaraha socdeen
Kullankii Croatia ayaa laga shakiyay in lagu heshiiyay
Qoraalka sawirka, Kullankii Croatia ayaa laga shakiyay in lagu heshiiyay