Diego Costa: Malaa'ig ma ahi laakiin isma beddelayo

Diego Costa ayaa sheegay inuusan badalayn qaabka uu u ciyaaro.
Qoraalka sawirka, Diego Costa ayaa sheegay inuusan badalayn qaabka uu u ciyaaro.
Published

Weeraryahanka Chelsea, , waxaa uu sheegay inuusan malaa'ig ahayn laakiin uusan isbeddeli doonin.

Diego Costa waraysi uu siiyay barnaamijka Football Focus ee BBC-da waxaa uu ku sheegay inuu ogsoon yahay inuusan ahayn malaa'ig marka uu garoonka ku jiro hase yeeshee uusan beddeli doonin qaabka adag ee kubbadda uu u ciyaaro.

Costa laba goor ayaa sanadkan la ganaaxay min saddex ciyaarood kaddib markii uu ku istaagay ciyaartoyga Liverpool ee Emre Can, marna ay isku dhaceen laacibka Arsenal ee Laurent Koscielny.

"Arrintani way igu dheer tahay waana mahadsan tahay qaabka aan kubbadda u ciyaaro," ayuu yir 27-jirka u dhashay Brazil, qaatayna jinsiyadda Spain oo qarankooda uu caalamka uga ciyaaro.