Man United oo ku guulaysatay koobka FA

Manchester United
Qoraalka sawirka, Manchester United
Published

Manchester United ayaa ku guulaysatay koobka FA-ga markii ugu horreysay tan iyo 2004, guushana waxaa waqtiga dheeraadka ah ee ciyaarta lagu daray usoo hooyay ciyaaryahan Jesse Lingard oo goolka guusha ka dhaliyay kooxda Crystal Palace.

Ciyaarta oo ka dhacaysay garoonka Wembley ayaa kooxda Manchester United waxa ay tiirka goolka ku dhufteen laba jeer, mar waxaa laad xooggan birta ku dhuftay Marouane Fellaini marka kalana Anthony Martial ayaa kubad uu madaxa ku dhuftay ay birta ku dhacday.

Balse Jason Puncheon ayaa ciyaarta gool ku daah furay oo gool qurux badan ayuu u dhaliyay kooxdiisa Crystal Palace.

Juan Mata ayaa saddex daqiiqo gudahood ku barbareeyay kubad boodboodays, 90-kii daqiiqo ee ciyaartuna waxa ay ku soo gebaga gebagabowday 1-1.

Waxaa loo baahday waqti dheeri ah in lagu daro ciyaarta balse waxaa kaarka cas loo taagay daafaca Manchester United, Chris Smalling, halkaana kooxdu waxa ay ku noqotay 10 ciyaaryahan.

Waxaa loo qaatay in Manchester United ay rajadeedii halkaa ku dhammaatay, balse waxaa u soo baxay ciyaaryahan Lingard oo daqiiqaddii 110 u dhaliyay kooxdiisa goolkii guusha.

  • Manchester United ayaa haatan ku guulaysatay koobkii 12 ee FA ah, iyadoo la simatay kooxda Arsenal oo rikoorkaasi horay u haysatay.
  • Louis van Gaal waa tababarihii saddexaad ee u dhashay dalka Holland ee ku guulaysta koobka FA-ga, oo waxaa horay ugu guulaystay Guus Hiddink iyo Ruud Gullit.
  • Chris Smalling waxa uu noqday ciyaaryahankii afraad – iyo kii ugu horreeyay ee England u dhashay – ee kaarka cas loo taago finaalka koobka FA-ga.