Mourinho oo tababari doona Man United

Mourinho ayaa laga eryay kooxda Chelsea bishii Diseembar 2015, kaddib 7 bilood oo kaliya markii uu kooxda u qaaday horyaalka Ingiriiska ee Premier League-ga.
Qoraalka sawirka, Mourinho ayaa laga eryay kooxda Chelsea bishii Diseembar 2015, kaddib 7 bilood oo kaliya markii uu kooxda u qaaday horyaalka Ingiriiska ee Premier League-ga.
Published

Manchester United ayaa lagu soo warramayaa in ay go’aansatay in ay tababarahooda cusub u magacawdo, tababarihii hore ee Chelsea, Jose Mourinho, BBCda ayaa sidaa ogaatay.

Waxaa la rumaysan yahay in guddiga maamula kooxda Manchester United ay heshiis is afgarad ah la gaareen Mourinho ka hor guushii ay caawa ka gaareen kooxda Crystal Palace oo ay 2-1 kaga qaadeen koobka FA-ga.

Go’aanka ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo maalmo gudahood, oo waxaaba la leeyahay kooxdu waxa ay ku waddaa in ay ku dhawaaqdo imaanshaha Mourinho bilowga todobaadka soo socda, kaddib markii ay u sheegeen Van Gal, oo 64 jir ah, in waqtigiisii kooxda uu dhamaaday.

Kooxda Manchester United oo uu maamulo Louis van Gaal ayaa ku guuldarraysatay inay u soo baxdo koobka Horyaalada Yurub ee Champions League, iyadoo la filayo in maamulka Old Trafford ay go’aansadeen in isbadel la sameeyo.

Van Gal iyo Mourinho
Qoraalka sawirka, Van Gal iyo Mourinho

Tababarahan u dhashay Holland ayaa qandaraaskiisa waxaa uga harsan hal sano, hasayeeshee inkastoo oo uu £250 milyan ku soo gatay ciyaartoy cusub haddana qaab ciyaareedkiisa waxaa ka niyadjabay taageerayaal badan, iyadoo intii uu xilka hayay ay kooxdu ku dhamaysatay kaalmaha afraad iyo shanaad ee Horyaalka Ingiriiska.

Xilka Van Gaal ayaa sanadkan u muuqday mid dayacan xilli Mourinho lagu yaqaan inuu doonayo inuu la wareego xilka maamulka Manchester United saddex sano kaddib markii uu xilka baneeyay halyeygii hore Sir Alex Ferguson.

Kooxda Chelsea ayaa xilka ka qaadday Mourinho bishii Diseembar ee la soo dhaafay hasayeeshee waa mid ka mid ah tababarayaasha ugu guusha badan kubadda cagta, waxa uuna koobab u qaaday dhowr kooxood oo Yurub ka dhisan.