TOOS, Doorashada Israa’iil: Isbahaysiga Netanyahu oo wajahaya Eisenkot, iyadoo aan weli la saadaalin karin cidda guulaysan doonta

Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil ayaa ku qiyaasay in boqolkiiba 77 ay ahayd tirada dadka codkooda dhiibtay doorashadii Talaadadii.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Doorashada Israa’iil: Netanyahu oo wajahaya Eisenkot, iyadoo aan weli la saadaalin karin cidda guulaysan doonta

    Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil ayaa ku qiyaasay in boqolkiiba 77 ay ahayd tirada dadka codkooda dhiibtay doorashadii Talaadadii, iyadoo guddigu bilaabay inuu si tartiib-tartiib ah u shaaciyo natiijooyinka codadka la tiriyay.

    Ra'yi uruurin laga qaaday codbixiyeyaasha marka ay goobaha codbixinta ka baxayaan ayaa muujinaya in isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot uu hoggaaminayo tartanka, kana horreeyo isbahaysiga Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

    Hase yeeshee, xisbiga ugu weyn mucaaradka ayaan u muuqan inuu heli doono kuraas ku filan oo uu keligiis ku dhiso dowlad, haddii uusan isbahaysi la samaysan xisbiyo kale.

    Waa doorashooyinkii ugu horreeyay ee Israa’iil tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar, waxaana si weyn u saameeyay dagaalka Qasa iyo iska horimaadka militari ee Iran.

  2. Xuutiyiinta oo bartilmaameedsaday xarumo Sacuudiga ah oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Difaaca iyo warshad sifeysa shidaalka

    yemen

    Kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ee dalka Yemen ayaa ku dhawaaqday inay bartilmaameedsadeen Wasaaradda Difaaca Sacuudiga oo ku taal caasimadda Riyaad.

    Afhayeenka kooxda, Yahya Saree, ayaa sheegay in weerarka loo adeegsaday gantaal baalistik ah, isla markaana uu si toos ah u haleelay bartilmaameedka.

    Hase yeeshee, mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa horraantii maalintii Talaadada ku dhawaaqay in difaaca boqortooyadu uu qabtay, isla markaana burburiyay, laba gantaal oo nooca ridada dheer ah (ballistic missiles) ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedyadooda.

    Wakaaladda Wararka ee rasmiga ah ee Sacuudiga ayaa xigatay Difaaca Madaniga ah ee Boqortooyada aya oo leh "qashin ka dhashay qabashada laba gantaal oo ballistic ah oo ay soo rideen Xuutiyiinta ayaa sababay burbur hantiyeed oo ka dhacay caasimadda Riyadh."

    Ka dib duhurnimadii Talaadada, mas'uuliyiinta difaaca madaniga ah ayaa soo saaray digniin ku saabsan weerar cirka ah oo ka dhacay caasimadda Sacuudiga, weriye ka tirsan AFP oo ku sugan Riyaad ayaa soo sheegay in qaraxyo la maqlay.

    Mar sii danbeeysay, Xuutiyiintu waxay ku dhawaaqeen inay diyaarad aan duuliye lahayn ku weerareen garoonka diyaaradaha ee Abha, oo ku yaalla koonfur-galbeed ee Sacuudi Carabiya.

    Kooxda ay Iiraan taageerto ayaa horay u shaacisay maalintii Talaadada inay bartilmaameedsatay laba diyaaradood oo ciidan oo loogu talagalay gaadiidka, kuwaas oo ku sugnaa koonfurta Sacuudi Carabiya: "midda koowaad oo ku jirtay garoonka diyaaradaha ee Najran iyo tan labaadna oo ku jirtay Saldhigga Cirka ee Boqor Khaalid ee ku yaalla Khamis Mushait."

    Markaasi ka hor, kooxda Xuutiyiinta ayaa sidoo kale shaacisay inay bartilmaameedsadeen xarunta sifeynta shidaalka ee Ras Tanura oo ku taal bariga Sacuudiga, iyagoo adeegsanaya "gantaal ballistic ah, kaas oo sababay in goobta uu dab ka kaco," sida uu sheegay afhayeenka kooxda.

  3. Askar ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo muddo ku xirnaa dawlad deegaanka Soomaalida oo dalka dib ugusoo laabtay

    Somalia

    In ka badan labo boqol oo askari oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo muddo ka badan bil ku xirnaa dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dib ugu laabtay, deegaannadii markii horeba laga qoray ee gobolka Bakool ee Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya.

    Ciidamadan oo fasax ugu socday gobolka Bakool, kana soo laabtay tababbar ugu soo dhammaaday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sii maray gudaha dawlad deegaanka, kadibna halkaas ayaa laga qabtay, waxana loo gudbiyay magaalada Jigjiga, iyadoo markii dambena lagu xiray magaalada Diridhabe.

    Ciidamadaasi waxaa lagu soo waramayaa in lagu soo dhaweeyay shalay galinkii dambe degmada Ceel Barde ee gobolka Bakool sida uu sheegay uu BBCda u sheegay gudoomiyaha degmadaasi Cabdiraxmaan Kheyre .

    Warar dheeraad ah :

  4. Tirada kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Ebola ee Congo oo kor u dhaaftay toban kun

    Congo

    Mas'uuliyiinta caafimaadka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa sheegay in tirada kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Ebola ay kor u dhaaftay toban kun.

    In ka badan afar kun iyo siddeed boqol oo qof ayaa la xaqiijiyay inay u dhinteen cudurkan, kaas oo ah kii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dillaaca dalkaas.

    Inkastoo xuddunta cudurku ay tahay gobolka Ituri, haddana inta badan kiisaska cusub ayaa kasoo ifbaxaya gobolka Waqooyi ee Kivu. Tan iyo markii bishii May lagu dhawaaqay inuu dillaacay nooca fayraska ee loo yaqaan 'Bundibugyo', kiisas Ebola ah ayaa laga diiwaangeliyay dhowr waddan oo Afrikaan ah, kuwaas oo ay ugu dambeeyeen Kenya iyo Nayjeeriya.

    Warar dheeraad ah :

  5. Tobanaan askari oo ciidanka Soomaaliya ah oo lagu dilay dagaal ay la galeen Al-Shabaab, sida ay askartu sheegeen

    Ilaa Tobaneeyo askari oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya ayaa lagu dilay dagaal xooggan oo dhexmaray iyaga iyo kooxda Al-Shabaab koonfurta Soomaaliya, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba askari; halka Wasaaradda Gaashaandhiggu ay sheegtay in ciidamada dowladdu ay dileen ilaa 75 dagaalyahan.

    Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal ka dhacay aagga Jameeco ee degmada Buurhakaba lagu dilay ilaa 75 dagaalyahan, halka 56 kalena lagu dhaawacay. Warbixinta laguma xusin tirada askarta dowladda ee ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaalka.

    Soomaaliya, oo muddo ku dhow labaatan sano la daalaa-dhacaysay kacdoon ay wadaan kooxda Al-Shabaab.

    Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in dagaalyahannadu ay ciidanka qaranka ku weerareen baabuur laga buuxiyay walxaha qarxa, taas oo sababtay in gaadiid ciidan ay waxyeello soo gaarto.

    Labo askari ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dagaalkaasi ay ku dhinteen tiro askar ah.

    Warar dheeraad ah :

  6. Xabbad joojin ay ku heshiiyeen Ruushka iyo Yukrayn oo ka dhaqan gashay magaalada Oleshky

    Ukraine

    Xabbad joojin maxalli ah oo ay ku heshiiyeen Ruushka iyo Yukrayn oo ka dhacaysa magaalada Oleshky ee ay Ruushku qabsadeen ayaa u muuqata inay dhaqangasahay .

    Afhayeenka Kremlin (Dmitry Peskov) ayaa sheegay in aan la soo sheegin wax xadgudub ah tan iyo markii xabad joojintu dhaqan gashay habeenimadii xalay.

    Waxaa la rajeynayaa in joojinta dagaalku ay suurtogalin doonto gaarsiinta gargaarka iyo daadgureynta dadka rayidka ah ee ku xayiran.

    Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in weerarradii ugu dambeeyay ee Ruushku ka geystay meelo kale oo Yukrayn ah ay muujinayaan koror halis ah. Wuxuu sheegay in Moscow ay habeenkii oo dhan kuusoo riday lix iyo toban gantaal oo kuwa dheereeya ah ee ballistic iyo in ka badan laba boqol iyo siddeetan diyaaradood oo aan duuliye lahayn. Saraakiishu waxay sheegeen in hal qof uu dhintay afar iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen halkaas.

    Warar dheeraad ah :

  7. Xuutiyiintu oo u arka taageerada difaac ee Masar ay siiso Sacuudi Carabiya inay tahay "ku dhawaaqid dagaal"

    yemen

    Maxamed Cali al-Xuuthi, oo xubin ka ah golaha siyaasadeed ee kooxda Xuuthiyiinta ee "Ansar Allah", ayaa u arka oggolaanshaha baarlamaanka Masar uu siiyay Madaxweyne Cabdel Fataax al-Siisi—si uu u qaado tallaabooyin difaac ah oo lagu taageerayo Sacuudi Carabiya—inay tahay "ku dhawaaqid dagaal" ka dhan ah Yemen; halka dhinaca kale, Qaahira ay xaqiijinayso in taageeradeedu ku kooban tahay oo kaliya difaaca dhulka Boqortooyada.

    Hadalka Xuutiyiinta ayaa imaanaya iyadoo xiisadda sii kordheysa ay ka dhex jirto kooxda iyo Sacuudi Carabiya, oo Talaadadii ku dhawaaqday inay qabatay saddex gantaal oo ballistic ah iyo afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo loo diray dhulkeeda.

    Maxamed Cali al-Xuuthi ayaa hadallo uu jeediyay Talaadadii ku sheegay in taageerada ay Masar u hayso waxa uu ugu yeeray "difaaca Sacuudi Carabiya" ay ka hor imaanayso dadaallada lagu dhawaaqay ee lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda gobolka.

    Wuxuu intaas ku daray: "Masar iyo baarlamaankeedu waxay ku dhawaaqayaan inay taageerayaan waxa loogu yeero difaaca Boqortooyada Sacuudi Carabiya; tallaabadaasna waxay ka dhigan tahay inay dagaal ku dhawaaqayaan ka dhan ah Jamhuuriyadda Yemen."

    Warar dheeraad ah :

  8. Iiraan, Sacuudi Carabiya, Baakistaan iyo Turkiga oo heshiis gaaray

    Iran

    Iiraan, Sacuudi Carabiya, Baakistaan ​​iyo Turkiga ayaa ku heshiiyay inay sii wadaan wadahadallada ku saabsan xoojinta iskaashiga la xiriira nabadda iyo amniga gobolka, ka dib kulan ay magaalada Tehran ku yeesheen saraakiil sarsare oo ka tirsan dhinacyada milatariga iyo amniga, xilli laga cabsi qabo in dagaal cusubi uu ka qarxo gobolka.

    Telefishanka dowladda Iiraan ayaa sheegay in ka qaybgalayaashu ay isku raaceen in la sii wado wadahadallada, halka xoghayaha Golaha Amniga Qaranka ee ugu sarreeya Iiraan, Mohsen Rezaei, uu xaqiijiyay in wadahadalladu ay wax ka qabteen amniga gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dalalkoodu ay qaadaan mas'uuliyadda ku aaddan sidii loo gaari lahaa iyada oo aanay jiri faragelin shisheeye.

    Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Difaaca Sacuudiga Amiir Khaalid bin Salmaan, Taliyaha Ciidanka Pakistan Aasim Muniir, iyo Madaxa Sirdoonka Turkiga Ibraahim Kalin; waana booqashadii ugu horreysay ee wadajir ah oo ay mas’uuliyiin ka socda saddexdaas dal ku tagaan Tehran, tan iyo markii ay bishii Agoosto ee la soo dhaafay sameysteen isbahaysi dhanka difaaca ah.

    Wadahadallo u dhexeeya dhinacyada Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Makka – kuwaas oo kala ah Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Baakistaan ​​– iyo mas’uuliyiin sare oo Iiraaniyiin ah ayaa Isniintii ka billowday caasimadda Iiraan ee Tehraan, sida ay sheegeen warbaahinta rasmiga ah.

    Warar dheeraad ah :

  9. Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo u safray Moscow

    Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo u safray Moscow

    Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa subaxnimadii saakau ambabaxay magaalada Moscow si uu uga qayb galo shir-madaxeedka Ruushka iyo Afrika, sida uu shaaciyay wasiirka warfaafinta dalkiisa.

    Wareegga saddexaad ee shir-madaxeedkan oo sannad kasta la qabto, kaas oo Ruushku u adeegsado xoojinta xiriirka uu la leeyahay dalalka Afrika dhinacyo kala duwan, ayaa lagu qaban doonaa caasimadda Moscow maalmaha Arbacada iyo Khamiista, 18-ka iyo 19-ka Oktoobar 2019.

    Sida uu wasiirka warfaafinta, Mane Gebre Meskel, ku sheegay barahiisa baraha bulshada, Madaxweyne Isaias oo uu weheliyo wasiirkiisa arrimaha dibadda, ayaa shirka ka qaybgalaya, sidoo kalena wadahadallo ku saabsan xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo ay wadaagaan la yeelan doona Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

    Madax badan oo Afrikaan ah oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa la filayaa inay shirka ka qaybgalaan.

    Waxaa sidoo kale la soo sheegay in Madaxweyne Vladimir Putin uu aqbalay martiqaad uu Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed u fidiyay si uu uga qaybgalo shir-madaxeedka, intii lagu jiray shirkii ugu dambeeyay ee BRICS ee lagu qabtay Hindiya.

    Dhanka kale, waxaa xusid mudan in dhowr toddobaad ka hor, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Alexander Alimov, uu muujiyay sida dalkiisu u danaynayo inuu dhex-dhexaadin ka sameeyo xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.

    Wasiirku waxa uu wargeys u sheegay in Ruushku diyaar u yahay inuu labada dal siiyo fursad ay wadahadallo ku yeeshaan inta uu socdo shir-madaxeedka Ruushka iyo Afrika, haddii ay diyaar u yihiin. Waxa uu sidoo kale rajo ka muujiyay in Itoobiya iyo Eritrea ay ka faa’iidaysan doonaan fursaddaas.

    Alimov ayaa sheegay in xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea, oo uu ku tilmaamay laba dal oo muddo dheer xiriir dhow la lahaa Ruushka,, sidaa darteedna ay walaac ku hayaan Moscow.

    Intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Itoobiya iyo Eritrea, Ruushka oo xiriir dhow la lahaa labada dal ayaa hore ugu baaqay inay ka fogaadaan iska horimaad, xoojiyaan tallaabooyinka lagu dhisayo kalsoonida, khilaafaadkoodana ku xalliyaan wadahadal.

  10. War deg deg ah, Khubaro Shiine ah oo ku biiray hawlgalka samatabbixinta dadka ku hoos jira burburka Eastleigh

    Khubaro Shiine ah oo ku biiray hawlgalka samatabbixinta dadka ku hoos jira burburka Eastleigh

    Koox Shiine ah oo ka tirsan hay’adda samatabbixinta ee Blue Sky Rescue ayaa ku biirtay hawlgalka lagu baadigoobayo dadka ku hoos xanniban burburka dhisme ku dumay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi. Kooxdu waxay adeegsanaysaa qalab gaar ah oo lagu ogaan karo dadka nool ee ku jira burburka hoostiisa.

    Xildhibaanka deegaanka Kamukunji, Yusuf Xassan, ayaa sheegay in kooxdaasi ay ogaadeyn laba qof oo nool, kuwaas oo ku jiray qaybta hoose ee dhismaha. Arrintan ayaa sare u qaadday rajada laga qabo in dad kale oo badbaaday la helo.

    “Galabta, kooxda samatabbixinta ee Shiinaha ayaa hawlgalka ku soo biirtay iyaga oo wata qalab gaar ah. Waxay durba ogaadeyn laba qof oo nool, kuwaas oo ku jiray qaybta hoose ee dhismaha,” ayuu yiri Xassan.

    Blue Sky Rescue waa hay’ad aan dowladeed ahayn oo laga leeyahay Shiinaha, kana qaybqaadata gurmadka xaaladaha degdegga ah, oo ay ka mid yihiin raadinta iyo samatabbixinta dadka ku xannibma masiibooyinka sida burburka dhismayaasha, dhulgariirrada iyo daadadka.

    Hay’addu waxay adeegsanaysaa kooxo si gaar ah loo tababaray iyo qalab casri ah si ay u baadigoobaan dadka badbaaday ugana qaybqaataan hawlgallada samatabbixinta.

    Dhismaha oo weli dhismihiisu socday ayaa dumay Jimcihii, 23-kii Oktoobar, taas oo dhalisay hawlgal gurmad oo degdeg ah, iyadoo qoysasku raadinayeen xog ku saabsan eheladooda ku jiray dhismaha.

    Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa sheegay in ilaa hadda la soo badbaadiyay lix qof, halka kooxaha gurmadku ay weli baadigoobayaan dad kale oo ku hoos jira burburka.

    War ay soo saareen Isniintii, 26-kii Oktoobar, ayay KDF ku sheegeen in laba qof oo kale la soo badbaadiyay intii ay socdeen hawlgallo dambe, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Qaranka Kenyatta, iyaga oo xaaladdoodu deggan tahay, si halkaas loogu sii daweeyo loogulana socdo xaaladdooda caafimaad.

    Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Nairobi, Johnson Sakaja, ayaa su’aalo ka keenay rukhsadaha dhismaha, waxa uu sheegay in dowlad-goboleedka Nairobi ay bishii Oktoobar 2024 oggolaatay in dhismaha, oo markii hore loogu talagalay degaan oo keliya, loo beddelo mid ganacsi iyo degaanba loo isticmaalo, balse aanay ansixin naqshadaha dhismaha.

    Sakaja ayaa sidoo kale su’aal geliyay sida dukaamada loogu oggolaaday inay ka shaqeeyaan dabaqa hoose, iyadoo ay jireen warar sheegaya in dhismuhu aanu haysan shahaadada oggolaanshaha deggenaanshaha ama isticmaalka.

    Xafiiska Agaasimaha Dacwad-oogista Dadweynaha ayaa Waaxda Baarista Dambiyada (DCI) ku amray inay baarto duruufihii sababay burburka dhismaha, oo ay ku jiraan doorka ay ku lahaayeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo qandaraaslaha dhismaha.

  11. War deg deg ah, Raggii ugu horreeyey oo lagu soo oogo ku lug lahaanshaha dhacdadii saldhigga RAF Fairford

    Raggii ugu horreeyey oo lagu soo oogo ku lug lahaanshaha dhacdadii saldhigga RAF Fairford

    Nin 24 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu caawiyay hay’ad sirdoon oo shisheeye, taas oo la xiriirta dhacdadii bishii hore ka dhacday meel u dhow saldhigga ciidamada cirka ee RAF Fairford ee Ingiriisku leeyahay

    Mohmed Abdulkarim iyo nin kale oo lagu magacaabo Nouman Essghir, oo isna 24 jir ah, ayaa maanta la horgeyn doonaa Maxkamadda Westminster Magistrates’ Court. Nouman Essghir waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu galay goob mamnuuc ah isaga oo ujeeddadiisu waxyeello u geysanaysay UK.

    Booliiska la dagaallanka argagixisada ayaa sheegay in nin kale oo 25 jir ah, haystana dhalashada Britain iyo Iraan, la sii daayay iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

    Saddex gaari oo laga shakiyay ayaa 27-kii Sebtembar lagu arkay meel u dhow saldhigga ciidamada cirka ee Gloucestershire, oo ay maamusho Mareykanka, taas oo keentay in lagu dhawaaqo xaalad degdeg ah.

  12. Daraasad lagu ogaaday in halista Kansarka Naasaha uu Somaliland ku sii kordhayo

    Xanuunka Kansarka ayaa noqonaya mid kasoo badanaya oo ku dhex faafaya bulshada Somaliland. Kansarka cunaha, naasaha iyo mindhicirka oo uu wehliyo kan ragga u gaarka ah ee qanjirka kaadida ayaa lagu tilmaamay kuwa ugu badan ee laga helayo bukaanada baaritaanka gudaha iyo dibeda lagu sameynayo.

    Daraasado kala duwan oo laga sameeyey magaalooyinka Boorama iyo Hargeisa ayaa muujiyey in kansarku yahay mid ka mid ah dhibaatooyinka caafimaad ee ku soo kordhaya Somaliland, iyadoo bukaannada badankoodu xarunta caafimaadka yimaadeen markii cudurka marayay heerkii u dambeeyey ama darajada sadexaad iyo afaraad.

    Marka laga yimaado daraasadda Dr. Yaxye Cabdi Cali oo BBC Soomaali la hadlay ayaa sheegay in bukaannada qaar ay isbitaalka yimaadaan marka ay xaaladoodu gaarto meel halis ah.

    Natiijooyinka mid ka midka ah daraasadda oo laga sameyey Hargeysa, taas oo uu sameeyey isbitaalka Needle oo ah isbitaal gaar loo leeyahay ayaa muujisay in 56.5 boqolkiiba bukaannadu ahaayeen haween

  13. Bad-qabka hogaamiyaha Iiraan oo markale su'aal la geliyey

    Mohammad Baqer Qalibaf, guddoomiyaha Golaha Wakiillada Islaamiga ah ee Iraan, ayaa sheegay in Mojtaba Khamenei uu “caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay”, isaga oo intaas ku daray in uu si buuxda ula socdo arrimaha guud dalka.

    Qalibaf ayaa maanta, intii uu socday kalfadhiga furan ee baarlamaanka Iraan yeesheyn yiri: “Mid ka mid ah su’aalaha inta badan la isweydiiyo ayaa ah xaaladda caafimaad ee Hoggaamiyaha Kacaanka. Waxaan jeclaan lahaa inaan xildhibaannada u xaqiijiyo in Mr Qalibaf uu caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay”.

    Warbaahinta Iraan ayaa dhawaan sheegtay in Qalibaf uu kulan la yeeshay hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan.

    Tan iyo markii loo doortay inuu beddelo aabbihii, Ali Khamenei, oo lagu dilay weerarro ay Israa’iil iyo Mareykanku isku mar qaadeen, lama baahin wax muuqaal ama cod ah oo laga duubay Mojtaba Khamenei. Waxa keliya ee la baahiyay waa farriimo qoraal ah oo isaga loo nisbeeyay.

    Mas’uuliyiinta Iraan ayaa sheegay in tallaabooyinka amniga ay sabab u yihiin in uu ka maqnaado saaxafadda dadweynaha. .

    Madaxweynaha Iraan, Masoud Pezeshkian, ayaa dhawaan mar kale sheegay inuu laba jeer la kulmay Mojtaba Khamenei tan iyo markii uu hoggaanka qabtay bishii Maarso ee sannadkii hore.

  14. Doorashada Ra'iisul wasaaraha Israa’iil oo ka socota meelo kala duwan gudaha Israa'iil ah

    Codeynta doorashada Ra'iisul wasaaraha Israa’iil oo ka bilaabatay

    Goobaha codbixinta ayaa furmay 7-da subaxnimo, waxaana muwaadiniinta xaqa u leh inay codeeyaan ay fursad u haystaan ilaa 10-ka habeenimo, xilliga maxalliga ah.

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa doorashadan maanta u wajahaya loollan muhiim u ah sii jiritaankiisa siyaasadeed. Codbixiyeyaashu waxay qiimeyn doonaan waxqabadkiisa iyo hoggaamintiisa kaddib weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar saddex sano ka hor, dagaalkii Gaza, dagaalka Iran iyo go’doonka caalamiga ah ee sii kordhaya ee Israa’iil.

    Sahanada ra’yi ururinta ayaa muujinaya in loollanku aad isugu dhow yahay, kaas oo u dhexeeya xisbiga Likud ee Netanyahu iyo xulafadiisa garabka midig, dhinac, iyo isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot, oo hore u ahaa taliyaha guud ee ciidamada Israa’iil, ahna siyaasi arrimaha amniga xoogga saara oo taageero ku leh garabyada midigta iyo bartamaha siyaasadda, dhinaca kale.

    Intii uu socday ololihiisa doorashada, Benjamin Netanyahu waxa uu xoogga saaray waxqabadkiisa intii uu dagaalku socday iyo isbahaysiga uu la leeyahay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

    Trump ayaa taageeray Netanyahu, wuxuuna garab istaagay Israa’iil dagaalka ay kula jirto Iran. Benjamin Netanyahu ayaa shalay sheegay in Donald Trump uu diyaar u yahay inuu mar kale tallaabo qaado si uu “ugu dambayn u baabi’iyo” khatarta Iran, balse taasi ay dhici doonto oo keliya haddii isaga laftiisu uu xukunka sii hayo.

    Gadi Eisenkot ayaa Netanyahu ku eedeeyay inuu “ku tiirsan yahay olole cabsi-gelin, been iyo hanjabaado ah”.

    Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ku kalsoon yahay in Trump uu si buuxda ula shaqayn doono “hoggaamiye kasta oo ay dadku doortaan”.

  15. Maxaa ka ognahay ciidanka Soomaaliya ee laga soo daayey Diridhaba ee Itoobiya?

    Maxaa ka ognahay ciidanka Soomaaliya ee laga soo daayey Diridhaba ee Itoobiya?

    Maalintii axadda 25 bisha Oktoober, maamulka Ceelbarde ayaa soo dhaweeyey in ka badan labo boqol oo askari oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo muddo ka badan bil ku xirnaa dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyaga oo dib ugu soo laabtay, deegaannadii markii horeba laga qoray ee gobolka Bakool ee Koonfurta Galbeed Soomaaliya.

    Gudoomiyaha Degmada Ceelberde Cabdiraxmaan Kheyre oo BBC Soomaali la hadlay ayaa sheegay in ciidankan ay ahaayeen kuwo soo laabtay tababbar ugu soo dhammaaday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

    "Ciidanka waxaa asalkooda laha qoray degmooyinkan xuduudka ku yaallo, saldhigooda markii hore waxa uu ahaa degnada Ceelbarde, kadib waxaa tababbar loogu qaaday Xananbuure goobolka Galgaduud, markii ay soo dhammeystayn tababbarkii madaxnweynaha Soomaaliyana uu usoo xiray, fasax ay dowladdu siisay, kaas oo loogu talo galay in ay qoysaskooda kusoo booqdaan ayey soo qaatayn”, ayuu yiri guddoomiye Cabdiraxmnaan.

    Dhanka kale, sida uu sheegay guddoomiyaha ciidanka ayaa la qabtay xilli ay marayeen gudaha dawlad deegaanka, waxana loo gudbiyay magaalada Jigjiga, iyadoo markii dambena lagu xiray magaalada Dirirdhabe, kuwaas oo markii dambe lasoo daayey dhammaantood, marka laga reebo hal gabar uu sheegay in ay ku umushay magaalada Jig jiga.

    Sababta keentay in la xiro ciidanka ayuu guddoomiye Cabdiraxmaan ku sheegay in ciidanka laga fidiyey warar been abuur ah, oo la xiriira “in ONLF oo tababbaraayey”.

    Sidoo kale, tirada ciidanka oo badneyd awgeedna waxa ay ahayd qodob kale oo shaki gelisay taliska dowlad deegaanka sida uu tilmaamayo guddoomiyaha degmada Ceelbarde “Ciidanku waxa uu ahaan 222 askari, dowladuhuna waa ay kala sharci duwan yihiin, in ciidan intaas la eg uu hal mar fasax galo, kuwaas oo aan warbixintooda si fiican la haynin culeys ayey ahayd, sida ay noo sheegeyn ciidankii gacanta ku dhigay waxa ay waayeen wax warbixin ah in aysan helin markiii hore”. Taas ayaana keentay in loo gudbiyo Dirirdhaba.

  16. War deg deg ah, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo war kasoo saartay weerar shalay ka dhacay aagga Buurhakaba

    Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya oo war kasoo saartay weerar shalay ka dhacay aagga Buurhakaba

    Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in shalay gelinkii dambe iyo xalay ay ciidan dowladda uu iska hor imaad uu ku dhex maray kooxda Alshabaab, deegaanka Jameeca ee Degmada Buurhakaba.

    Warka qoraalka ah ayaa lagu yiri “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ku guda jira gulufka howlgalka Banooda, ayaa 26-kii Oktoobar weerar culus oo saacado badan qaatay ku qaaday deegaanka Jameeca ee hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, halkaas oo fariisimo ay ku lahaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab”.

    Dagaalka ayey dowladdu sheegtay inuu ka dhacay dhowr goobood oo kala duwan, iyadoo la dilay ku dhowaad 75 maleeshiyaad ah, halka 56 kale lagu dhaawacay maleeshiyaadka tirsan AS, sida ay wasaaraddu sheegtay.

    Dhanka kale, wasaaraddu waxa ay qirtay in ay jiraan gaadiid laga buuxiyey walxaha qarxa oo Alshabaab u adeegsadeyn weerarka, kuwaas oo ay dhasheen “waxyeello soo gaartay gaadiidka ciidanka qaarkii”.

    Marka laga yimaado qoraalka wasaaradda wasaaradda, ciidamada taageersan madaxweynihii hore ee maamulkaas oo aan la xiriirnay ayaa dhankoodana xaqiijiyey in aysan wax lug ah ku lahayn, madaama ay maalmihii lasoo dhaafay soo weerarayeen qeybo kamid ah deegaannada maamulka, balse ay jiraan khasaare ballaaran oo gaaray ciidanka dowladda, "annaga wax shaqo ah kuma lihin waxa uu u dhexeeyey AS iyo dowladda".

    Maalmihii lasoo dhaafay qeybo kamid ah deegaannada maamulka Koofur galbeed Soomaaliya waxa uu martigelinayey dagaallo iyo is khor imaadyo u dhexeeya maamulka iyo Alshabaab iyo maamulka iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore KGS.

  17. Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

    Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

    Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay James Comey, oo ahaa agaasimihii hore ee Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka (FBI), iyada oo ku eedeysay inuu toban sano ka hor xog la xiriirta amniga qaranka uu u dusiyay wariye.

    Tani waa markii saddexaad muddo sannad ka badan gudaheed ee maamulka Madaxweyne Donald Trump uu isku dayayo inuu dacwad ku soo oogo Comey oo Trump xilka ka qaaday sannadkii 2017-kii.

    Comey ayaa ka jawaabay eedeymaha isaga oo sheegay inuu weli yahay qof aan sameyn waxa lagu soo eedeeyey, kana madax bannaan yahay, isla markaana aanu weli cabsi qabin.

    Waxa uu si cad u dhaliili jiray madaxweynaha. Qareennadiisa ayaa hore maamulka ugu eedeeyay inuu dacwadda u adeegsanayo dano siyaasadeed.

  18. Hindiya oo su’aalo ka keentay adeegsiga awoodda Codka diidmada qayaxan ee Qaramada Midoobay

    Hindiya oo su’aalo ka keentay adeegsiga awoodda Codka diidmada qayaxan ee Qaramada Midoobay

    Wakiilka Joogtada ah ee Hindiya u fadhiya Qaramada Midoobay, Parvathaneni Harish, ayaa soo bandhigay mowqifka dalkiisa ee ku saabsan adeegsiga awoodda diidmada qayaxan intii lagu guda jiray kalfadhiga guud ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Waxa uu sheegay in awoodda diidmada qayaxan ay hadda leeyihiin oo keliya shanta dal ee xubnaha joogtada ah ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Waxa uu xusay in awooddaasi ay sidoo kale tahay mas’uuliyad, loona baahan yahay in si taxaddar iyo xakameyn leh loo adeegsado, gaar ahaan arrimaha la xiriira ilaalinta nabadda iyo amniga caalamka.

    Waxa uu intaas ku daray in awoodda diidmada qayaxan aan loo adeegsan danaha siyaasadeed ee gaarka ah.

    Harish ayaa sheegay in diiwaanka adeegsiga awooddan uu cad yahay, isaga oo xusay in intii ay jirtay Qaramada Midoobay, awoodda diidmada qayaxan la adeegsaday 331 jeer, lagana hor yimid ku dhowaad 200 oo qaraar.

    Waxa uu sidoo kale tilmaamay in laba ka mid ah shanta dal ee xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee kala ah; Shiinaha, Ruushka, Maraykanka Faransiiska iyo Ingiriiska aanay awooddan adeegsan muddo ka badan 35 sano, halka inta badan adeegsigeeda ama hanjabaadaha la xiriira ay ka yimaadeen saddex ka mid ah dalalkaas.

    Wakiilka Hindiya ayaa sheegay in hindisihii awoodda diidmada qayaxan ee la bilaabay 2022 uu rajo ka muujiyay isbeddel, maadaama uu dhigayo in mar kasta oo awooddan la adeegsado, arrinta looga doodo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, si loo xaqiijiyo isla xisaabtan.

    Arrinta awoodda diidmada qayaxan ayaa ka mid ah shanta qodob ee ugu waaweyn ee dib-u-habaynta Golaha Ammaanka, kuwaas oo ay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay kaga wada hadlayaan wadaxaajoodyada dowladaha dhexdooda.

  19. Sacuudi Carabiya oo ka hadashay shirkii afarta dhinac ee Tehran

    Sacuudi Carabiya oo ka hadashay shirkii afarta dhinac ee Tehran:

    Saacad ka dib markii mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Pakistan, Turkiga iyo Sacuudi Carabiya ay gaareen Tehran si ay uga qayb galaan shir afar geesood ahaa, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga waxay soo saartay bayaan ay ku sheegtay in ka qaybgalka Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga, Amiir Khalid bin Salman, uu qayb ka yahay dadaallada Riyadh ay ku dooneyso in lagu xallinayo xiisadda gobolka, iyadoo la adeegsanayo dalalka xubnaha ka ah Heshiiska Maka, oo kala ah Pakistan iyo Turkiga.

    Bayaanka ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudigu soo saartay habeenkii Isniinta ayaa u qornaa sidan:

    “Iyada oo la sii ambaqaadayo doorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee xoojinta wada-hadalka iyo nabadda heer gobol iyo heer caalami, ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi caddeyneysaa in booqashada Amiir Khalid bin Salman bin Abdulaziz Al Saud, Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ay weheliyaan wakiillo ka socda dalalka xubnaha ka ah Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka, ay ku tageen Tehran, halkaas oo ay kula kulmeen mas’uuliyiin sare oo Iiraaniyiin ah.

    Booqashadu waxay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee dalalka xubnaha ka ah heshiiskan ay ku doonayaan inay ku yareeyaan xiisadaha u dhexeeya dhinacyada ku lugta leh xiisadda taagan, ku dhiirrigeliyaan wada-hadalka iyo xalalka diblomaasiyadeed, isla markaana taageeraan dadaallada dhexdhexaadinta ee Dowladda Qatar iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.”

    Marka laga soo tago Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga, waxaa sidoo kale shirkii afarta dhinac ee Isniintii ka dhacay Tehran ka qayb galay Marshal Asim Munir, taliyaha ciidanka Pakistan, iyo Ibrahim Kalin, madaxa sirdoonka Turkiga.

  20. AROORYO SUUBAN

    Kusoo dhawaada tebinteenna tooska ah maalinimo