Pentagon-ka oo sheegay in Maraykanku ilaa hadda dagaalka Iran ku bixiyay 47 bilyan oo doollar
Xigashada Sawirka, US Army
Qoraalka sawirka, Militariga Mareykanka
Wakaaladda wararka ee Reuters, oo dib u eegtay xogta Pentagon-ka, ayaa sheegtay in militariga Maraykanku ilaa hadda ku bixiyay in ka badan 47 bilyan oo doollar dagaalka Iran.
Xogtan ayaa muujinaysa in kharashku 25% ka badan yahay qiyaastii ay Wasaaradda Difaaca Maraykanku soo saartay bishii Luulyo.
Sida ay sheegtay Reuters, kharashaadka ugu badan waxaa ka mid ah in ka badan 29 bilyan oo doollar oo lagu beddelayo rasaasta iyo hubka la isticmaalay, iyo in ka badan lix bilyan oo doollar oo lagu bixiyay qalabka milatari.
Tirooyinkan kuma jiraan qiyaasta kharashka lagu dayactirayo saldhigyada Maraykanka ee ay waxyeelleeyeen weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.
Isku dheelitirka kuraasta labada isbahaysi ma wuxuu ugu dambayn faa’iido u noqon doonaa Netanyahu?
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Benjamin Netanyahu
Iyadoo natiijooyinka doorashada Israa’iil si tartiib-tartiib ah loo shaacinayo, telefishinka Channel 12 ayaa saadaaliyay in isbahaysiga uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ee xisbiga Likud uu si dirqi ah ugu horreeyo, isagoo helaya 52 kursi, halka mucaaradku helayo 49 kursi.
Hase yeeshee, labada dhinac midkoodna weli ma gaarin 61-ka kursi ee loo baahan yahay si uu aqlabiyad ugu yeesho baarlamaanka Israa’iil ee Knesset, oo ka kooban 120 kursi.
Xaaladdan ismari-waaga ah ayaa laga yaabaa inay Netanyahu faa’iido u noqoto, isaga oo sii ahaan kara ra’iisul wasaare inta ay dowladdu sii haynayso xilka, gaar ahaan haddii wadaxaajoodyada dhismaha isbahaysi cusub ay dheeraadaan, ayna suurtagal noqoto in doorasho kale la qabto.
Xisbiyada diimeed ee garabka midigta fog, oo ay hoggaamiyaan Itamar Ben-Gvir iyo Bezalel Smotrich, ayaa la saadaalinayaa inay guud ahaan ka helaan 13 kursi isbahaysiga Netanyahu, iyadoo aan midkoodna la filayn inuu si weyn u kordhiyo kuraastii uu haystay.
Dhanka kale, xisbiyada Carabta oo aan ku jirin labada isbahaysi ee waaweyn ayaa door muhiim ah ka ciyaari kara go’aaminta cidda awoodda yeelanaysa.
Balse Gadi Eisenkot, hoggaamiyaha xisbiga Yashar ahna taliyihii hore ee guud ee ciidamada Israa’iil, ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada inuu dowlad la dhisto iyadoo ay ka qaybgalayaan xisbiyada Carabta. Arrintan ayaa sii adkaynaysa fursadaha uu awoodda kula wareegi karo.
Netanyahu oo sheegay in la haysto “fursad aan hore loo arag” oo wax looga qaban karo khatarta Iran
Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo madaxwayne Trump
Dhammaadkii khudbad uu Arbacadii subaxdii u jeediyay taageerayaashiisa, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ay haystaan “fursad aan hore loo arag” oo ay “hal mar iyo dhammaanba ku soo afjari karaan khatarta Iran”.
Israa’iil iyo Maraykanka ayaa sannadkii 2025-kii si wadajir ah u weeraray xarumo nukliyeer oo ku yaalla Iran. Labada dal ayaa sidoo kale bishii Febraayo weerarro wadajir ah ku qaaday Iran, kuwaas oo horseeday inuu qarxo dagaalka hadda socda.
Sida ay qabaan falanqeeyayaasha, guul uu gaaro isbahaysiga uu hoggaamiyo Netanyahu ama kan uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot uma badna inay wax ka beddesho mowqifka Israa’iil ee dagaalka ay kula jirto Iran.
Doorashadii Talaadadii ka dhacday Israa’iil, oo ay ka qaybqaateen 77% dadka xaqa u lahaa codbixinta, ay hadda mareyso marxaladda tirinta codadka iyo go’aaminta natiijada.
Waa kuwan qodobada ilaa hadda laga og yahay natiijada doorashada:
- Weli lama oga cidda ku guulaysan doonta doorashada Israa’iil, maadaama tartanku aad isugu dhow yahay, isla markaana aan la saadaalin karin natiijada kama dambaysta ah.
Natiijooyiinka hordhaca ah oo la cusboonaysiiyay kaddib markii codbixintu dhammaatay ayaa muujiyay in garabka midig ee Benjamin Netanyahu iyo isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot ay min 51 kursi heli karaan. Waxaa loo baahan yahay ugu yaraan 61 kursi si loo dhiso dowlad aqlabiyad leh.
- xogta saddexaad ee la cusboonaysiiyay ayaa muujiyay in isbahaysiga Netanyahu uu hoggaaminayo, balse farqigu uu aad u yar yahay.
- Sahannada qaarkood ee doorashada kaddib la sameeyay ayaa tilmaamaya in xisbiyada Carabtu ay gaari karaan natiijadoodii ugu fiicnayd abid, iyagoo ku guulaysan kara ugu yaraan 17 kursi.
- Eisenkot ayaa xarunta xisbigiisa ku soo dhaweeyay natiijooyinka hordhaca ah, isaga oo taageerayaashiisa u sheegay: “Waxaan sameynay taariikh.”
- Tirinta rasmiga ah ee codadka ayaa weli socota. Ilaa 4-tii aroornimo, waqtiga Israa’iil, oo u dhiganta, waxaa la tiriyay ku dhowaad 25% codadka.
- Kormeerayaal ayaa hore u sheegay in doorashadu u ahayd Netanyahu “habeen aad iyo aad ugu xumaa”.
Iyadoo la tiriyay 25% codadka, xisbiga Likud ayaa hoggaaminaya.
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Benjamin Netanyahu
Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil ayaa sheegay in la tiriyay in ka badan 1.6 milyan oo cod oo laga dhiibtay doorashada baarlamaanka dalkaas.
Sida ku cad xogtii rasmiga ahayd ee la cusboonaysiiyay 4:47 aroornimo, waqtiga maxalliga ah, xisbiga Likud ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa weli hoggaaminaya, isagoo helay 24.22% codadka la tiriyay, halka xogtii hore ay muujinaysay 36.23%.
Xisbiga Yashar ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot ayaa kaalinta labaad ku jira, isagoo helay 41.15% codadka, marka loo eego 74.15% uu ku lahaa xogtii hore.
Liiska Wadajirka ah, oo ay ku mideysan yihiin Carab iyo Yuhuud, ayaa kaalinta saddexaad u soo kacay, isagoo helay 28.8% codadka. Wuxuu wax yar ka horreeyaa xisbiga Yisrael Beitenu ee uu hoggaamiyo Naftali Bennett, kaas oo helay 22.8%.
Doorashada Israa’iil: Netanyahu oo wajahaya Eisenkot, iyadoo aan weli la saadaalin karin cidda guulaysan doonta
Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil ayaa ku qiyaasay in boqolkiiba 77 ay ahayd tirada dadka codkooda dhiibtay doorashadii Talaadadii, iyadoo guddigu bilaabay inuu si tartiib-tartiib ah u shaaciyo natiijooyinka codadka la tiriyay.
Ra'yi uruurin laga qaaday codbixiyeyaasha marka ay goobaha codbixinta ka baxayaan ayaa muujinaya in isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot uu hoggaaminayo tartanka, kana horreeyo isbahaysiga Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.
Hase yeeshee, xisbiga ugu weyn mucaaradka ayaan u muuqan inuu heli doono kuraas ku filan oo uu keligiis ku dhiso dowlad, haddii uusan isbahaysi la samaysan xisbiyo kale.
Waa doorashooyinkii ugu horreeyay ee Israa’iil tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar, waxaana si weyn u saameeyay dagaalka Qasa iyo iska horimaadka militari ee Iran.
Xuutiyiinta oo bartilmaameedsaday xarumo Sacuudiga ah oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Difaaca iyo warshad sifeysa shidaalka
Xigashada Sawirka, Reuters
Kooxda
Xuutiyiinta ee Ansar Allah ee dalka Yemen ayaa ku dhawaaqday inay
bartilmaameedsadeen Wasaaradda Difaaca Sacuudiga oo ku taal caasimadda Riyaad.
Afhayeenka
kooxda, Yahya Saree, ayaa sheegay in weerarka loo adeegsaday gantaal baalistik
ah, isla markaana uu si toos ah u haleelay bartilmaameedka.
Hase
yeeshee, mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa horraantii maalintii Talaadada ku
dhawaaqay in difaaca boqortooyadu uu qabtay, isla markaana burburiyay, laba
gantaal oo nooca ridada dheer ah (ballistic missiles) ka hor inta aysan gaarin
bartilmaameedyadooda.
Wakaaladda
Wararka ee rasmiga ah ee Sacuudiga ayaa xigatay Difaaca Madaniga ah ee
Boqortooyada aya oo leh "qashin ka dhashay qabashada laba gantaal oo
ballistic ah oo ay soo rideen Xuutiyiinta ayaa sababay burbur hantiyeed oo ka
dhacay caasimadda Riyadh."
Ka dib
duhurnimadii Talaadada, mas'uuliyiinta difaaca madaniga ah ayaa soo saaray
digniin ku saabsan weerar cirka ah oo ka dhacay caasimadda Sacuudiga, weriye ka
tirsan AFP oo ku sugan Riyaad ayaa soo sheegay in qaraxyo la maqlay.
Mar sii
danbeeysay, Xuutiyiintu waxay ku dhawaaqeen inay diyaarad aan duuliye lahayn ku
weerareen garoonka diyaaradaha ee Abha, oo ku yaalla koonfur-galbeed ee Sacuudi
Carabiya.
Kooxda ay
Iiraan taageerto ayaa horay u shaacisay maalintii Talaadada inay
bartilmaameedsatay laba diyaaradood oo ciidan oo loogu talagalay gaadiidka,
kuwaas oo ku sugnaa koonfurta Sacuudi Carabiya: "midda koowaad oo ku
jirtay garoonka diyaaradaha ee Najran iyo tan labaadna oo ku jirtay Saldhigga
Cirka ee Boqor Khaalid ee ku yaalla Khamis Mushait."
Markaasi ka
hor, kooxda Xuutiyiinta ayaa sidoo kale shaacisay inay bartilmaameedsadeen
xarunta sifeynta shidaalka ee Ras Tanura oo ku taal bariga Sacuudiga, iyagoo
adeegsanaya "gantaal ballistic ah, kaas oo sababay in goobta uu dab ka
kaco," sida uu sheegay afhayeenka kooxda.
Askar ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo muddo ku xirnaa dawlad deegaanka Soomaalida oo dalka dib ugusoo laabtay
Xigashada Sawirka, WASAARADDA GAASHAANDHIGGA
In ka badan labo boqol oo askari oo ka tirsan
Milatariga Soomaaliya oo muddo ka badan bil ku xirnaa dawlad deegaanka
Soomaalida Itoobiya ayaa dib ugu laabtay, deegaannadii markii horeba laga qoray
ee gobolka Bakool ee Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya.
Ciidamadan
oo fasax ugu socday gobolka Bakool, kana soo laabtay tababbar ugu soo
dhammaaday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sii maray gudaha
dawlad deegaanka, kadibna halkaas ayaa laga qabtay, waxana loo gudbiyay
magaalada Jigjiga, iyadoo markii dambena lagu xiray magaalada Diridhabe.
Ciidamadaasi
waxaa lagu soo waramayaa in lagu soo dhaweeyay shalay galinkii dambe degmada
Ceel Barde ee gobolka Bakool sida uu sheegay uu BBCda u sheegay gudoomiyaha
degmadaasi Cabdiraxmaan Kheyre .
Tirada kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Ebola ee Congo oo kor u dhaaftay toban kun
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Mas'uuliyiinta
caafimaadka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa sheegay in tirada
kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Ebola ay kor u dhaaftay toban kun.
In ka
badan afar kun iyo siddeed boqol oo qof ayaa la xaqiijiyay inay u dhinteen
cudurkan, kaas oo ah kii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dillaaca dalkaas.
Inkastoo xuddunta cudurku ay tahay gobolka Ituri, haddana inta badan kiisaska
cusub ayaa kasoo ifbaxaya gobolka Waqooyi ee Kivu. Tan iyo markii bishii May
lagu dhawaaqay inuu dillaacay nooca fayraska ee loo yaqaan 'Bundibugyo', kiisas
Ebola ah ayaa laga diiwaangeliyay dhowr waddan oo Afrikaan ah, kuwaas oo ay ugu
dambeeyeen Kenya iyo Nayjeeriya.
Tobanaan askari oo ciidanka Soomaaliya ah oo lagu dilay dagaal ay la galeen Al-Shabaab, sida ay askartu sheegeen
Ilaa Tobaneeyo
askari oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya ayaa lagu dilay dagaal xooggan oo dhexmaray iyaga iyo
kooxda Al-Shabaab koonfurta Soomaaliya, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u
sheegeen laba askari; halka Wasaaradda Gaashaandhiggu ay sheegtay in ciidamada
dowladdu ay dileen ilaa 75 dagaalyahan.
Wasaaradda
Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal ka dhacay aagga Jameeco ee
degmada Buurhakaba lagu dilay ilaa 75 dagaalyahan, halka 56 kalena lagu
dhaawacay. Warbixinta laguma xusin tirada askarta dowladda ee ku dhintay ama ku
dhaawacmay dagaalka.
Soomaaliya,
oo muddo ku dhow labaatan sano la daalaa-dhacaysay kacdoon ay wadaan kooxda
Al-Shabaab.
Wasaaradda
Gaashaandhigga ayaa sheegtay in dagaalyahannadu ay ciidanka qaranka ku
weerareen baabuur laga buuxiyay walxaha qarxa, taas oo sababtay in gaadiid
ciidan ay waxyeello soo gaarto.
Labo askari ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dagaalkaasi ay ku dhinteen tiro askar ah.
Xabbad joojin ay ku heshiiyeen Ruushka iyo Yukrayn oo ka dhaqan gashay magaalada Oleshky
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xabbad
joojin maxalli ah oo ay ku heshiiyeen Ruushka iyo Yukrayn oo ka dhacaysa
magaalada Oleshky ee ay Ruushku qabsadeen ayaa u muuqata inay dhaqangasahay .
Afhayeenka
Kremlin (Dmitry Peskov) ayaa sheegay in aan la soo sheegin wax xadgudub ah tan
iyo markii xabad joojintu dhaqan gashay habeenimadii xalay.
Waxaa la
rajeynayaa in joojinta dagaalku ay suurtogalin doonto gaarsiinta gargaarka iyo
daadgureynta dadka rayidka ah ee ku xayiran.
Madaxweyne
Zelensky ayaa sheegay in weerarradii ugu dambeeyay ee Ruushku ka geystay meelo
kale oo Yukrayn ah ay muujinayaan koror halis ah. Wuxuu sheegay in Moscow ay
habeenkii oo dhan kuusoo riday lix iyo toban gantaal oo kuwa dheereeya ah ee ballistic iyo in ka badan laba boqol iyo siddeetan
diyaaradood oo aan duuliye lahayn. Saraakiishu waxay sheegeen in hal qof uu
dhintay afar iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen halkaas.
Xuutiyiintu oo u arka taageerada difaac ee Masar ay siiso Sacuudi Carabiya inay tahay "ku dhawaaqid dagaal"
Xigashada Sawirka, EPA
Maxamed Cali
al-Xuuthi, oo xubin ka ah golaha siyaasadeed ee kooxda Xuuthiyiinta ee
"Ansar Allah", ayaa u arka oggolaanshaha baarlamaanka Masar uu siiyay
Madaxweyne Cabdel Fataax al-Siisi—si uu u qaado tallaabooyin difaac ah oo lagu
taageerayo Sacuudi Carabiya—inay tahay "ku dhawaaqid dagaal" ka dhan
ah Yemen; halka dhinaca kale, Qaahira ay xaqiijinayso in taageeradeedu ku
kooban tahay oo kaliya difaaca dhulka Boqortooyada.
Hadalka
Xuutiyiinta ayaa imaanaya iyadoo xiisadda sii kordheysa ay ka dhex jirto kooxda
iyo Sacuudi Carabiya, oo Talaadadii ku dhawaaqday inay qabatay saddex gantaal
oo ballistic ah iyo afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo loo diray
dhulkeeda.
Maxamed Cali
al-Xuuthi ayaa hadallo uu jeediyay Talaadadii ku sheegay in taageerada ay Masar
u hayso waxa uu ugu yeeray "difaaca Sacuudi Carabiya" ay ka hor
imaanayso dadaallada lagu dhawaaqay ee lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda
gobolka.
Wuxuu intaas
ku daray: "Masar iyo baarlamaankeedu waxay ku dhawaaqayaan inay
taageerayaan waxa loogu yeero difaaca Boqortooyada Sacuudi Carabiya;
tallaabadaasna waxay ka dhigan tahay inay dagaal ku dhawaaqayaan ka dhan ah
Jamhuuriyadda Yemen."
Iiraan,
Sacuudi Carabiya, Baakistaan iyo Turkiga ayaa ku heshiiyay inay sii wadaan wadahadallada
ku saabsan xoojinta iskaashiga la xiriira nabadda iyo amniga gobolka, ka dib
kulan ay magaalada Tehran ku yeesheen saraakiil sarsare oo ka tirsan dhinacyada
milatariga iyo amniga, xilli laga cabsi qabo in dagaal cusubi uu ka qarxo
gobolka.
Telefishanka
dowladda Iiraan ayaa sheegay in ka qaybgalayaashu ay isku raaceen in la sii
wado wadahadallada, halka xoghayaha Golaha Amniga Qaranka ee ugu sarreeya
Iiraan, Mohsen Rezaei, uu xaqiijiyay in wadahadalladu ay wax ka qabteen amniga
gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dalalkoodu ay qaadaan
mas'uuliyadda ku aaddan sidii loo gaari lahaa iyada oo aanay jiri faragelin
shisheeye.
Kulanka
waxaa ka qayb galay Wasiirka Difaaca Sacuudiga Amiir Khaalid bin Salmaan,
Taliyaha Ciidanka Pakistan Aasim Muniir, iyo Madaxa Sirdoonka Turkiga Ibraahim
Kalin; waana booqashadii ugu horreysay ee wadajir ah oo ay mas’uuliyiin ka
socda saddexdaas dal ku tagaan Tehran, tan iyo markii ay bishii Agoosto ee la
soo dhaafay sameysteen isbahaysi dhanka difaaca ah.
Wadahadallo
u dhexeeya dhinacyada Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Makka – kuwaas oo kala
ah Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Baakistaan – iyo mas’uuliyiin sare oo Iiraaniyiin ah ayaa
Isniintii ka billowday caasimadda Iiraan ee Tehraan, sida ay sheegeen
warbaahinta rasmiga ah.
Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo u safray Moscow
Xigashada Sawirka, @hawelti
Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa subaxnimadii saakau ambabaxay magaalada Moscow si uu uga qayb galo shir-madaxeedka Ruushka iyo Afrika, sida uu shaaciyay wasiirka warfaafinta dalkiisa.
Wareegga saddexaad ee shir-madaxeedkan oo sannad kasta la qabto, kaas oo Ruushku u adeegsado xoojinta xiriirka uu la leeyahay dalalka Afrika dhinacyo kala duwan, ayaa lagu qaban doonaa caasimadda Moscow maalmaha Arbacada iyo Khamiista, 18-ka iyo 19-ka Oktoobar 2019.
Sida uu wasiirka warfaafinta, Mane Gebre Meskel, ku sheegay barahiisa baraha bulshada, Madaxweyne Isaias oo uu weheliyo wasiirkiisa arrimaha dibadda, ayaa shirka ka qaybgalaya, sidoo kalena wadahadallo ku saabsan xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo ay wadaagaan la yeelan doona Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.
Madax badan oo Afrikaan ah oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa la filayaa inay shirka ka qaybgalaan.
Waxaa sidoo kale la soo sheegay in Madaxweyne Vladimir Putin uu aqbalay martiqaad uu Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed u fidiyay si uu uga qaybgalo shir-madaxeedka, intii lagu jiray shirkii ugu dambeeyay ee BRICS ee lagu qabtay Hindiya.
Dhanka kale, waxaa xusid mudan in dhowr toddobaad ka hor, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Alexander Alimov, uu muujiyay sida dalkiisu u danaynayo inuu dhex-dhexaadin ka sameeyo xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.
Wasiirku waxa uu wargeys u sheegay in Ruushku diyaar u yahay inuu labada dal siiyo fursad ay wadahadallo ku yeeshaan inta uu socdo shir-madaxeedka Ruushka iyo Afrika, haddii ay diyaar u yihiin. Waxa uu sidoo kale rajo ka muujiyay in Itoobiya iyo Eritrea ay ka faa’iidaysan doonaan fursaddaas.
Alimov ayaa sheegay in xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea, oo uu ku tilmaamay laba dal oo muddo dheer xiriir dhow la lahaa Ruushka,, sidaa darteedna ay walaac ku hayaan Moscow.
Intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Itoobiya iyo Eritrea, Ruushka oo xiriir dhow la lahaa labada dal ayaa hore ugu baaqay inay ka fogaadaan iska horimaad, xoojiyaan tallaabooyinka lagu dhisayo kalsoonida, khilaafaadkoodana ku xalliyaan wadahadal.
War deg deg ah, Khubaro Shiine ah oo ku biiray hawlgalka samatabbixinta dadka ku hoos jira burburka Eastleigh
Xigashada Sawirka, X
Koox Shiine ah oo ka tirsan hay’adda samatabbixinta ee Blue Sky Rescue ayaa ku biirtay hawlgalka lagu baadigoobayo dadka ku hoos xanniban burburka dhisme ku dumay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi. Kooxdu waxay adeegsanaysaa qalab gaar ah oo lagu ogaan karo dadka nool ee ku jira burburka hoostiisa.
Xildhibaanka deegaanka Kamukunji, Yusuf Xassan, ayaa sheegay in kooxdaasi ay ogaadeyn laba qof oo nool, kuwaas oo ku jiray qaybta hoose ee dhismaha. Arrintan ayaa sare u qaadday rajada laga qabo in dad kale oo badbaaday la helo.
“Galabta, kooxda samatabbixinta ee Shiinaha ayaa hawlgalka ku soo biirtay iyaga oo wata qalab gaar ah. Waxay durba ogaadeyn laba qof oo nool, kuwaas oo ku jiray qaybta hoose ee dhismaha,” ayuu yiri Xassan.
Blue Sky Rescue waa hay’ad aan dowladeed ahayn oo laga leeyahay Shiinaha, kana qaybqaadata gurmadka xaaladaha degdegga ah, oo ay ka mid yihiin raadinta iyo samatabbixinta dadka ku xannibma masiibooyinka sida burburka dhismayaasha, dhulgariirrada iyo daadadka.
Hay’addu waxay adeegsanaysaa kooxo si gaar ah loo tababaray iyo qalab casri ah si ay u baadigoobaan dadka badbaaday ugana qaybqaataan hawlgallada samatabbixinta.
Dhismaha oo weli dhismihiisu socday ayaa dumay Jimcihii, 23-kii Oktoobar, taas oo dhalisay hawlgal gurmad oo degdeg ah, iyadoo qoysasku raadinayeen xog ku saabsan eheladooda ku jiray dhismaha.
Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa sheegay in ilaa hadda la soo badbaadiyay lix qof, halka kooxaha gurmadku ay weli baadigoobayaan dad kale oo ku hoos jira burburka.
War ay soo saareen Isniintii, 26-kii Oktoobar, ayay KDF ku sheegeen in laba qof oo kale la soo badbaadiyay intii ay socdeen hawlgallo dambe, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Qaranka Kenyatta, iyaga oo xaaladdoodu deggan tahay, si halkaas loogu sii daweeyo loogulana socdo xaaladdooda caafimaad.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Nairobi, Johnson Sakaja, ayaa su’aalo ka keenay rukhsadaha dhismaha, waxa uu sheegay in dowlad-goboleedka Nairobi ay bishii Oktoobar 2024 oggolaatay in dhismaha, oo markii hore loogu talagalay degaan oo keliya, loo beddelo mid ganacsi iyo degaanba loo isticmaalo, balse aanay ansixin naqshadaha dhismaha.
Sakaja ayaa sidoo kale su’aal geliyay sida dukaamada loogu oggolaaday inay ka shaqeeyaan dabaqa hoose, iyadoo ay jireen warar sheegaya in dhismuhu aanu haysan shahaadada oggolaanshaha deggenaanshaha ama isticmaalka.
Xafiiska Agaasimaha Dacwad-oogista Dadweynaha ayaa Waaxda Baarista Dambiyada (DCI) ku amray inay baarto duruufihii sababay burburka dhismaha, oo ay ku jiraan doorka ay ku lahaayeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo qandaraaslaha dhismaha.
War deg deg ah, Raggii ugu horreeyey oo lagu soo oogo ku lug lahaanshaha dhacdadii saldhigga RAF Fairford
Xigashada Sawirka, bbc
Nin 24 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu caawiyay hay’ad sirdoon oo shisheeye, taas oo la xiriirta dhacdadii bishii hore ka dhacday meel u dhow saldhigga ciidamada cirka ee RAF Fairford ee Ingiriisku leeyahay
Mohmed Abdulkarim iyo nin kale oo lagu magacaabo Nouman Essghir, oo isna 24 jir ah, ayaa maanta la horgeyn doonaa Maxkamadda Westminster Magistrates’ Court. Nouman Essghir waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu galay goob mamnuuc ah isaga oo ujeeddadiisu waxyeello u geysanaysay UK.
Booliiska la dagaallanka argagixisada ayaa sheegay in nin kale oo 25 jir ah, haystana dhalashada Britain iyo Iraan, la sii daayay iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.
Saddex gaari oo laga shakiyay ayaa 27-kii Sebtembar lagu arkay meel u dhow saldhigga ciidamada cirka ee Gloucestershire, oo ay maamusho Mareykanka, taas oo keentay in lagu dhawaaqo xaalad degdeg ah.
Daraasad lagu ogaaday in halista Kansarka Naasaha uu Somaliland ku sii kordhayo
Xanuunka Kansarka ayaa noqonaya mid kasoo badanaya oo ku dhex faafaya bulshada Somaliland. Kansarka cunaha, naasaha iyo mindhicirka oo uu wehliyo kan ragga u gaarka ah ee qanjirka kaadida ayaa lagu tilmaamay kuwa ugu badan ee laga helayo bukaanada baaritaanka gudaha iyo dibeda lagu sameynayo.
Daraasado kala duwan oo laga sameeyey magaalooyinka Boorama iyo Hargeisa ayaa muujiyey in kansarku yahay mid ka mid ah dhibaatooyinka caafimaad ee ku soo kordhaya Somaliland, iyadoo bukaannada badankoodu xarunta caafimaadka yimaadeen markii cudurka marayay heerkii u dambeeyey ama darajada sadexaad iyo afaraad.
Marka laga yimaado daraasadda Dr. Yaxye Cabdi Cali oo BBC Soomaali la hadlay ayaa sheegay in bukaannada qaar ay isbitaalka yimaadaan marka ay xaaladoodu gaarto meel halis ah.
Natiijooyinka mid ka midka ah daraasadda oo laga sameyey Hargeysa, taas oo uu sameeyey isbitaalka Needle oo ah isbitaal gaar loo leeyahay ayaa muujisay in 56.5 boqolkiiba bukaannadu ahaayeen haween
Bad-qabka hogaamiyaha Iiraan oo markale su'aal la geliyey
Mohammad Baqer Qalibaf, guddoomiyaha Golaha Wakiillada Islaamiga ah ee Iraan, ayaa sheegay in Mojtaba Khamenei uu “caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay”, isaga oo intaas ku daray in uu si buuxda ula socdo arrimaha guud dalka.
Qalibaf ayaa maanta, intii uu socday kalfadhiga furan ee baarlamaanka Iraan yeesheyn yiri: “Mid ka mid ah su’aalaha inta badan la isweydiiyo ayaa ah xaaladda caafimaad ee Hoggaamiyaha Kacaanka. Waxaan jeclaan lahaa inaan xildhibaannada u xaqiijiyo in Mr Qalibaf uu caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay”.
Warbaahinta Iraan ayaa dhawaan sheegtay in Qalibaf uu kulan la yeeshay hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan.
Tan iyo markii loo doortay inuu beddelo aabbihii, Ali Khamenei, oo lagu dilay weerarro ay Israa’iil iyo Mareykanku isku mar qaadeen, lama baahin wax muuqaal ama cod ah oo laga duubay Mojtaba Khamenei. Waxa keliya ee la baahiyay waa farriimo qoraal ah oo isaga loo nisbeeyay.
Mas’uuliyiinta Iraan ayaa sheegay in tallaabooyinka amniga ay sabab u yihiin in uu ka maqnaado saaxafadda dadweynaha. .
Madaxweynaha Iraan, Masoud Pezeshkian, ayaa dhawaan mar kale sheegay inuu laba jeer la kulmay Mojtaba Khamenei tan iyo markii uu hoggaanka qabtay bishii Maarso ee sannadkii hore.
Doorashada Ra'iisul wasaaraha Israa’iil oo ka socota meelo kala duwan gudaha Israa'iil ah
Xigashada Sawirka, Reuters / Getty Images
Goobaha codbixinta ayaa furmay 7-da subaxnimo, waxaana muwaadiniinta xaqa u leh inay codeeyaan ay fursad u haystaan ilaa 10-ka habeenimo, xilliga maxalliga ah.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa doorashadan maanta u wajahaya loollan muhiim u ah sii jiritaankiisa siyaasadeed. Codbixiyeyaashu waxay qiimeyn doonaan waxqabadkiisa iyo hoggaamintiisa kaddib weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar saddex sano ka hor, dagaalkii Gaza, dagaalka Iran iyo go’doonka caalamiga ah ee sii kordhaya ee Israa’iil.
Sahanada ra’yi ururinta ayaa muujinaya in loollanku aad isugu dhow yahay, kaas oo u dhexeeya xisbiga Likud ee Netanyahu iyo xulafadiisa garabka midig, dhinac, iyo isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot, oo hore u ahaa taliyaha guud ee ciidamada Israa’iil, ahna siyaasi arrimaha amniga xoogga saara oo taageero ku leh garabyada midigta iyo bartamaha siyaasadda, dhinaca kale.
Intii uu socday ololihiisa doorashada, Benjamin Netanyahu waxa uu xoogga saaray waxqabadkiisa intii uu dagaalku socday iyo isbahaysiga uu la leeyahay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.
Trump ayaa taageeray Netanyahu, wuxuuna garab istaagay Israa’iil dagaalka ay kula jirto Iran. Benjamin Netanyahu ayaa shalay sheegay in Donald Trump uu diyaar u yahay inuu mar kale tallaabo qaado si uu “ugu dambayn u baabi’iyo” khatarta Iran, balse taasi ay dhici doonto oo keliya haddii isaga laftiisu uu xukunka sii hayo.
Gadi Eisenkot ayaa Netanyahu ku eedeeyay inuu “ku tiirsan yahay olole cabsi-gelin, been iyo hanjabaado ah”.
Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ku kalsoon yahay in Trump uu si buuxda ula shaqayn doono “hoggaamiye kasta oo ay dadku doortaan”.
Maxaa ka ognahay ciidanka Soomaaliya ee laga soo daayey Diridhaba ee Itoobiya?
Xigashada Sawirka, KOOFUGALBED TV PAGE
Maalintii axadda 25 bisha Oktoober, maamulka Ceelbarde ayaa
soo dhaweeyey in ka badan labo boqol oo askari oo ka tirsan Milatariga
Soomaaliya oo muddo ka badan bil ku xirnaa dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyaga oo dib ugu soo
laabtay, deegaannadii markii horeba laga qoray ee gobolka Bakool ee Koonfurta
Galbeed Soomaaliya.
Gudoomiyaha Degmada Ceelberde Cabdiraxmaan Kheyre oo BBC Soomaali
la hadlay ayaa sheegay in ciidankan ay ahaayeen kuwo soo laabtay tababbar ugu soo dhammaaday gobolka
Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
"Ciidanka waxaa asalkooda laha qoray degmooyinkan xuduudka ku
yaallo, saldhigooda markii hore waxa uu ahaa degnada Ceelbarde, kadib waxaa tababbar
loogu qaaday Xananbuure goobolka Galgaduud, markii ay soo dhammeystayn tababbarkii
madaxnweynaha Soomaaliyana uu usoo xiray, fasax ay dowladdu siisay, kaas oo loogu
talo galay in ay qoysaskooda kusoo booqdaan ayey soo qaatayn”, ayuu yiri
guddoomiye Cabdiraxmnaan.
Dhanka kale, sida uu sheegay guddoomiyaha ciidanka ayaa la
qabtay xilli ay marayeen gudaha dawlad deegaanka, waxana loo gudbiyay magaalada
Jigjiga, iyadoo markii dambena lagu xiray magaalada Dirirdhabe, kuwaas oo markii
dambe lasoo daayey dhammaantood, marka laga reebo hal gabar uu sheegay in ay ku
umushay magaalada Jig jiga.
Sababta keentay in la xiro ciidanka ayuu guddoomiye
Cabdiraxmaan ku sheegay in ciidanka laga fidiyey warar been abuur ah, oo la
xiriira “in ONLF oo tababbaraayey”.
Sidoo kale, tirada ciidanka oo badneyd awgeedna waxa ay ahayd
qodob kale oo shaki gelisay taliska dowlad deegaanka sida uu tilmaamayo
guddoomiyaha degmada Ceelbarde “Ciidanku waxa uu ahaan 222 askari, dowladuhuna
waa ay kala sharci duwan yihiin, in ciidan intaas la eg uu hal mar fasax galo,
kuwaas oo aan warbixintooda si fiican la haynin culeys ayey ahayd, sida ay noo
sheegeyn ciidankii gacanta ku dhigay waxa ay waayeen wax warbixin ah in aysan
helin markiii hore”. Taas ayaana keentay in loo gudbiyo Dirirdhaba.