Mooshinkii madaxwaynaha oo laga laabtay

Published

War ka soo baxay baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in la laalay mooshinkii ka dhanka ahaa madaxwaynaha dalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud.

Mooshinka ayay horay ugu soo gudbiyeen baarlamaanka xildhibaanno sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay u soo jeedinayaa eedo dhowr ah.

Warka ayaa lagu sheegay in xalka la gaaray kadib markii xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ee mooshinka soo jeediyay ay ogolaadeen wadahadalka lala yeehsay kadib markii ay kulmeen dhinacyadii uu khuseeyey mooshinka.

Wariyaha BBC Ibraahim M Adan oo uu soo gaaray nuqul ka mid ah warka qoraalka ah ee ka soo baxay baarlamaanka, ayaa sheegay in la isugu yeeray dhamaan xubnaha xukuumadda iyo baarlamaanka kulan ka dhici doona baarlamaanka, maalinta Arbacada ee 7-da bisha October, 2015.

Wuxuu intaa ku daray in qodobada qoraalka ay sidoo kale ka mid yihiin in laga bilaabo maanta oo 25 ay tahay bisha September la soo afjaray mooshinkii loo gudbiyay baarlamaanka 12 August, 2015, oo loo gudbiyay marxalad wadahadal.

Kalafadhiga lixaad ee baarlamaanka ayaa la sheegay in uu xiran yahay wixii ka dambeeyay 7-da October, oo uu dib u furmi doono 21-ka October