Madaxfurasho ka badan 5 milyan oo dollar

Published
Burcad badeed Soomaali ah ayaa lagu soo warramay in madax furasho loo siiyay lacag ka badan 5 milyan oo dollar.
Burcad badeedda ayaa madaxfurashada lagu siiyay markab laga leeyahay waddanka Germany oo ay qabsadeen bishii May ee sanadkan.
Laakiin ciidamada badda ee Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in aysan xaqiijin karin in markabka iyo shaqaalihii saarnaa oo ahaa 22 la sii daayay.
Markabka oo la yiraahdo Marida Marguerite, ayaa waxa uu ka yimid India isagoo ku socday dalka Belgium, markii burcaddu ka qabsatay meel 200 km koonfur ka xigta Cumaan.
Shaqaalaha saaran markabka ayaa waxa ay u badan yihiin India.



















