MSF oo ka warbixisay dil ka dhacay South Sudan

Xigashada Sawirka, BBC World Service
Published
Hay'adda gargaar-ka caafimaad-ka e MSF ayaa shaacisay macluumaad naxdin leh oo ku saabsan xasuuqii bishan horaanteedii ka dhacay South Sudan.
Madaxa mashruuca Raphael Gorgeu waxaa uu sheegay in uu arkay Maydadka dad shacab ah oo wadooyin-ka daadsan.
Waxaa uu intaasi ku daray in maydadka qaar ay shimbiro iyo eey cuneen kaddib markii lagu laayay in ka badan sodon qof isbitaal bishan 15 keedii.
Dilkaas waxaa uu ku tilmaamay mid folxumo ku ah banii'aadminnimada.
Maleeshiyada taabacsan madaxwayne ku xigeen-kii hore ee dalkaas Riek Machar ayaa diiday eedaymaha Qaramada Midoobay ee ah in ay iyagu dadkaasi ku laayeen magaalada Bentiu



















