Tahriibayaal looga dhuuntay saxaaraha

Muhaajiriin laga soo badbaadiyay saxaaraha u dhexeeya Liibiya iyo Sudan
Qoraalka sawirka, Muhaajiriin laga soo badbaadiyay saxaaraha u dhexeeya Liibiya iyo Sudan
Published

Boqollaal qof oo tahriibayaal ah ayaa gaaray magaalada Don-gola ee woqooyiga dalka Suudaan kaddib markii ay saxaraha ka soo bad-baadiyeen ciidamada militariga dalkaasi.

Dadkani muhaajiriinta ah ayaa la soo badbaadiyay kaddib markii mukhallasiintii waday ay uga dhuunteen xudduuda ay wadaagaan Suudaan iyo Libya.

Ugu yaraan sagaal ka mid ah dadkani muhaajiriinta ah ayaa geeriyootay, waxaana la sheegayaa in intooda badan ay ahaayeen Itoobiyaan iyo Eretiriyaan.

Wararka ayaa sheegayo in inta kale ay ka imaadeen dalalka qaaradda Aasiya, kuwaas oo doonayay inay Yurub ka galaan badda u dhexeyso Liibiya iyo Taliyaaniga.

Tiro muhaajiriin ah oo reer Neyjer ah ayaa sanadkii hore harraad ugu dhintay saxaarahaasi, kaddib markii baabuurkii ay ku safrayeen uu ku jabay dhulka lama degaanka ah.

Tobannaan kun oo qof ayaa sanad kastaa ka tallaaba saxaraha Afrika iyagoo ku rajo weyn in ay Yurub gaaraan si ay halkaasi nolol wanaagsan uga sameystaan.