Hogaamiye Malayshiyo oo la dilay

Militariga Masar
Qoraalka sawirka, Militariga Masar
Published

Xubno u hadlay laamaha amaan-ka ee Masar waxaa ay sheegeen in ay dilen hogaamiye malayshiyo ayna ku dileen gacan ka Sinaay.

Shadi el-Manaei oo la dilay waxaa uu ahaa madaxii madaxii Ansar Bayt al-Maqdis kuwaas oo ka dab qaata Al Qaacida, waxa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen weeraro badan oo lagu qaday laamaha amaan-ka ee Masar.

Waxaa la dilay xalay waxaana lala dilay saddex qof oo kale.

Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in laamaha amaan-ka ee Masar ay ka dambeeyeen dilkaasi, balse waxaa jira warar kale oo sheegaya in ay dileen malayshiyo kale oo kasoo hor jeeda.