Wakiilkii AMISOM ee Soomaaliya oo is casilay

Published
Madaxii hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM, Maxamed Saalax Annadif, ayaa is casilay.
Hadal lagu qoray bogga twitter ee AMISOM ayaa lagu sheegay in uu xilkii isaga tagayo.
Maxamed Saalax ayaa u mahadceliyay dowladda Soomaaliya iyo shacabka kalsoonida ay siiyeen.
Iscasilaadda ayaa imaanaysa maalmo kaddib markii uu BBC-da u sheegay inay jiraan dib u dhac dhanka siyaasadda ah.
Waxaa uu wareysi uu la yeeshay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC uu ugu baaqay Soomaalida inay joojiyaan arrimaha yar yarka ee ay isku mari la'yihiin.



















