Nigeria:Dumar lala Xiriiriyey Boko Haram

Xigashada Sawirka,
Saddex dumar ah ayaa la xiray dalka Nigeria, kuwaas oo lala xiriirshay kooxda Boko Haram. Militeriga dalkaas ayaa wuxuu sheegay in dumarkan ay tababaro siinayeen dumar kale si ay ugu biiraan kooxda Boko Haram.
Waxaa la sheegay in ay isku dayayeen inay soo jiitaan dumarka laga geeriyooday iyo gabdhaha da’da yar oo ay u ballan qaadayeen in ay guursan doonaan xubnaha kooxda Boko Haram.
Militeriga ayaa sheegaya in Boko Haram haatan leedahay qeyb dumar ah.
Weriyaha BBC-da ee Nigeria aya sheegaya in ay u muuqato in kooxdan ay haatan doonayso in ay isticmaasho dumarka oo ay qeyb firfircoon ka qaataan rabshadaha ay wadaan.
Bishii la soo dhaafay, qof dumar ah oo doonaysay in ay isqarxiso ayaa dhimatay ka dib markii ay ku qarxday bambo ay doonaysay in ay qarxiso.
Waxay isku dayday in ay gudaha u gasho xero militeri. Waxay ahayd markii ugu horaysay oo qof dumar ah lala xiriirsho weerarada ay wado kooxda Boko Haram.



















