Ashraf Ghani oo la dhaariyay

Xigashada Sawirka,
Madaxweynaha cusub ee Afghanistan, Ashraf Ghani, ayaa ka digay qatarta ka imaanaysa Daacish inay ku faafto Afghanistan, isagoo sheegay waddankiisa inuusan u baahnayn dad ajnabi ah oo ka dagaalama.
Isagoo ka hadlaya xafladda dhaarinta, siddeed maalmood kadib markii la saxiixay dowlad isbahaysi ah, Mr Ghani ayaa ku baaqay in Taliban iyo maleeshiyooyinka kale inay dhigaan hubka ayna ka qayb qaataan siyaasadda.
Ugu yaraan shan iyo toban ayaa ku dhintay qarax. Toddobo ka mid ah oo ay ku jiraan afar askari waxay ku dhinteen qof isku qarxiyay garoonka dayuurada agtiisa. Siddeed kale waxay ku dhimatay qarax baabuur bariga Afghanistan.
Abdallah Abdallah, ayaa sidoo kale loo dhaariyay inuu noqdo Ra'iisalwasaare, wuxuu sheegay inay labadooda wadashaqayn dooonaan



















