Sawiro: Soomaalida ka soo qaxeysa Yemen

Published

Sanado ayey Soomaali badan ka cararayeen xasilooni darada iyo dagaalka dalkooda, iyaga oo ka gudbayay gacanka cadmeed oo Yemen u qaxayay. Balse ilaa markii uu bilowday dagaalka Yemen bishii March, ayey qaar ka mid ah Soomaalida mar kale qaxeen, kuna soo laabteen dalkooda iyaga oo ku yimid doonyo dad ka buuxaan oo ku soo xirtay dekadda Boosaaso.

In ka badan 28,000 oo Soomaali ah, ayaa dekadda Boosaaso yimid ilaa markii dagaalka Yemen uu bilowday.
Qoraalka sawirka, In ka badan 28,000 oo Soomaali ah, ayaa dekadda Boosaaso yimid ilaa markii dagaalka Yemen uu bilowday.
Xiriirka labada dal, ayaa qarniyo soo jiray, iyadoo Yemen ay dhowaan martigelisay in ka badan 238,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah. Balse burburka iyo duqeymaha ayaa dalka u horseeday xaalad bani'aadamnimo. In ka badan 40 % dadka ka soo laabanaya Yemen waa carruur.
Qoraalka sawirka, Xiriirka labada dal, ayaa qarniyo soo jiray, iyadoo Yemen ay dhowaan martigelisay in ka badan 238,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah. Balse burburka iyo duqeymaha ayaa dalka u horseeday xaalad bani'aadamnimo. In ka badan 40 % dadka ka soo laabanaya Yemen waa carruur.
Dalal Axmed Maxamed Saalax, waa Yemeni xaaskiisu Soomaali tahay. Wuxuu go'aansaday in uu la soo guuro qoyskiisa, kaddib markii la duqeeyay deegaankiisa. Wuxuuna isaga oo dhaawac geynaya isbitaalka, galay shil uu madaxa kaga dhaawacmay.
Qoraalka sawirka, Dalal Axmed Maxamed Saalax, waa Yemeni xaaskiisu Soomaali tahay. Wuxuu go'aansaday in uu la soo guuro qoyskiisa, kaddib markii la duqeeyay deegaankiisa. Wuxuuna isaga oo dhaawac geynaya isbitaalka, galay shil uu madaxa kaga dhaawacmay.
Dhammaan dadka soo laabanaya kama wada cararayaan dagaalka, waxaa jira in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso 20 sano oo dagaal sokeeye ah, waxayna dowladda Qaramada Midoobay taageerto dagaal kula jirtaa kooxda Alshabaab.
Qoraalka sawirka, Dhammaan dadka soo laabanaya kama wada cararayaan dagaalka, waxaa jira in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso 20 sano oo dagaal sokeeye ah, waxayna dowladda Qaramada Midoobay taageerto dagaal kula jirtaa kooxda Alshabaab.
Sanadihii ugu dambeeyay, ayey dowladda oo kaashaneysa ciidamada AU, ay ka qabsatay xagjiriinta goobihii ay ku xooganaayeen. Aamina Axmed Cismaan oo sawirkan ah, ayaa la soo laabtay qoyskeeda. In badan oo dadka soo laabanaya, ayaa sheegay in dagaalka uu baabi'iyay rajadoodii aheyd in nolol wanaagsan ka helaan dibadda dalka.
Qoraalka sawirka, Sanadihii ugu dambeeyay, ayey dowladda oo kaashaneysa ciidamada AU, ay ka qabsatay xagjiriinta goobihii ay ku xooganaayeen. Aamina Axmed Cismaan oo sawirkan ah, ayaa la soo laabtay qoyskeeda. In badan oo dadka soo laabanaya, ayaa sheegay in dagaalka uu baabi'iyay rajadoodii aheyd in nolol wanaagsan ka helaan dibadda dalka.
Dadka soo laabanaya, ayaa meel baqaar u aheyd WFP oo Boosaaso ku taal ku hakada. Maalmo kaddib, ayey kuwa badan aadeen goboladii ay asal ahaan ka yimaadeen. Badi waa dhulka baadiyaha ee koonfurta Soomaaliya oo Shabaabku ka taliyaan.
Qoraalka sawirka, Dadka soo laabanaya, ayaa meel baqaar u aheyd WFP oo Boosaaso ku taal ku hakada. Maalmo kaddib, ayey kuwa badan aadeen goboladii ay asal ahaan ka yimaadeen. Badi waa dhulka baadiyaha ee koonfurta Soomaaliya oo Shabaabku ka taliyaan.
QM. ayaa siisa cunto deg deg ah kuwa soo laabanaya, iyada oo dad gaaraya 855,000 oo Soomaali ah ay horay ugu baahnaayeen kaalmo deg deg ah. 60% dadka miyiga deggan iyo 95% kuwa magaalada, ayaa faqri daran ku jira.
Qoraalka sawirka, QM. ayaa siisa cunto deg deg ah kuwa soo laabanaya, iyada oo dad gaaraya 855,000 oo Soomaali ah ay horay ugu baahnaayeen kaalmo deg deg ah. 60% dadka miyiga deggan iyo 95% kuwa magaalada, ayaa faqri daran ku jira.