Sacuudiga: 5 lagu dilay xaflad Shiico

Published

Shan ruux, ayaa lagu dilay sagaalna waa ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday kulan shiicadu ku leheyd bariga Sacuudiga, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Dilka ka dhacay jimcihii gobolka bariga ee Siihaat, ayaa yimid labo maalin ka hor bilowgii xuska Cashuurada oo Shiicada u ah marxalad barakeysan.

Koox sheeganeysa in ay xiriir la leeyihiin dowlada Islaamka, ayaa sheegatay in ay weerarka fuliyeen. Waxayna wasaaradda arrimaha gudaha sheegtay in nin hubeysan uu si aan kala sooc laheyn xabado u furay ka hor inta aanu boolisku toogasho ku dilin. Kaddib, ayey koox isugu yeertay dowladda Islaamka ee Baxreyn sheegatay in mid ka mid ah askartoodu uu ku weeraray qorayaha darandooriga u dhaca macbadka kuwa aan diin laheyn. Waxayna kooxda ka digeen in aysan ku nabadgaleynin diin laawayaasha dhulka Muxamad CSW.

Wariyayaasha, ayaa sheegaya in magaca kooxda uu u muuqday mid la xiriira taariikhdii dhulka Baxreyn, oo mar qeyb ka aheyd waxa hadda Sacuudi Carabiya loo yaqaan.

Weeraro kale oo lagu qaaday dadka Shiicdada, ayaa jimcihii laga sheegay bariga Sacuudiga.

Shiicada tirada yar ee ku nool boqortooyada Sacuudiga, ayuu beegsigoodu kordhay. Badankooduna waxay deggan yihiin dhulka saliidda badan ee bariga, waxayna badi ka cawdaan takoor loo geysto.

Bishii May, ayey IS sheegtay in ay ku qaaday weerar bom dibadda masjida ay Shiicadu leedahay oo ku yaal Dammam.

Toddobaad ka hor, in ka badan labaatan ruux ayaa lagu dilay tuulada Al-qadeeh markii qof IS ka tirsan uu isku qarxiyay salaadii Jimacaha masjid Shiicadu leedahay. Waxa uuna ahaa weerarkii ugu horeeyay oo ay sheegtaan IS garabka Sacuudiga.