Maydadka diyaaradiii ku dhacday Sinai oo loo qaaday Ruushka

Xigashada Sawirka, EPA
Maydadka in ka badan 140 qof oo ku dhimatay diyaaraddi ku burburtay dalka Masar ayaa diib lagu celiyay magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka.
Dhamaan rakaabki saarna diyaradaasi oo tirsiga duulimaadkeedu ahaa A-321 oo gaarayay 224 qof ayaa dhintay markii ay diyaaraddaasi ku dhacday jasiradda Sinai ee dalka Masar maalintii Sabtida.
Madaxweynaha dalka Masar Cabdifatax Al-sisi ayaa ku baqaay in la muujiyo dulqaad inta lagu guda jira baritaanka lagu oganaayo wixi sababay in diyaraddaasi ay burburto.
Mid kamid ah baarayaasha ka socday dalka Ruushka ayaa sheegaya in diyaaradda ay hawada ku burburtay, balse aan la xaqiijin karin arintaasi sida ay ku dhacday.
Kooxda 'Dawladda Islaamiga' ayaa sheegatay in aay soo riday diyaraddaasi, balse Moscow iyo Qaahiro ayaa beeniyay sheegashadaasi.



















