Somaliland oo gaari u celisay Puntland

Somaliland ayaa sheegtay in ay Puntland u celisay gaari lagala soo baxsaday.
Qoraalka sawirka, Somaliland ayaa sheegtay in ay Puntland u celisay gaari lagala soo baxsaday.
Published

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland, ayaa sheegtay in shalay ay dib ugu celisay maamulka Puntland gaari lagala soo baxsaday todobaadkii hore.

Gaariga waxaa leh madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cumar Camay, waxaana loola baxsaday dhanka Somaliland.

Wasaaradda ayaa sheegtay in gaariga lagu wareejiyay saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka Puntland ee ku sugan aagga Tuka-raq ee gobolka Sool.

Weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayaa sheegaya in inkastoo Somaliland iyo Puntland ay ku muransan yihiin siyaasadda, ay haddana isu celiyeen denbiilayaasha.