War deg deg ah, Isbahaysiga Carabta ee Israa’iil oo shaaciyey war an u wanaagsanayn Natenyahu
Youssef Jabarin, hoggaamiyaha Isbahaysiga xisbiyada Carabta ee Wadajirka ah, oo ah isbahaysi Carbeed oo ka qaybgalaya doorashada Israa’iil, ayaa sheegay in isbahaysigiisu uu “diyaar u yahay, isla markaana doonayo inuu waddada u xaaro sidii xukuumadda Netanyahu xilka looga tuuri lahaa.”
Sida ay sheegay Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil, Isbahaysiga Carabta ee Wadajirka ah ayaa hadda ku jira kaalinta afraad, isagoo helay 9.11 boqolkiiba codadka. Isbahaysigan ayaa door muhiim ah ka ciyaari kara dadaallada lagu dhisayo dowlad isbahaysi ah oo cusub.
“Waxaan soo bandhigaynaa weji gebi ahaanba ka duwan siyaasadda dhiigga daadinaysa iyo siyaasadda islaweynida, cunsuriyadda iyo dadka la takooro", ayuu Jabarin ku sheegay bayaan uu ku baahiyay barta X.
Wuxuu intaas ku daray: “Isbeddelku wuxuu ku iman doonaa iskaashi dhex mara Yuhuudda iyo Carabta, kaas oo ah iskaashi dhab ah oo loo siman yahay, wax intaas ka yar iyo wax intaas ka badan midna ma aha.”
Xukuumadda Netanyahu ayaa marar badan dadka Carabta ah ee Israa’iil, oo qaar badan oo ka mid ahi isu aqoonsan yihiin muwaadiniin Falastiiniyiin ah oo Israa’iil haysta, ku tilmaantay khatar ku wajahan aqoonsiga Yuhuudda ee dalka.
Netanyahu ayaa dhowaan sheegay in siyaasiyiinta isaga ka soo horjeedaa ay qorsheynayaan inay xisbiyada Carabta la dhistaan “dowlad khatar ah”.
Horaantii, Yair Golan ayaa isbahaysiga mucaaradka ugu baaqay inuu la shaqeeyo xisbiyada ay Carabtu hoggaamiyaan si dowlad loo soo dhiso, inkasta oo Gadi Eisenkot uu hore u diiday suurtagalnimadaas.
Ka hor doorashada, Isbahaysiga Liiska Carabta ee Wadajirka ah ayaa sidoo kale muujiyay inay suurtagal tahay in heshiis iskaashi baarlamaan lala galo dowladda cusub ee isbahaysiga ah.
Warar dheeraad ah :