Taahriibka Yurub oo kordhay

Xigashada Sawirka, Reuters
Waxaa aad u korartay tirada muhaajiriinta gaareyso Midowga Yurub bilihii la soo dhaafay, sida ay ka war heshay BBC-da
Hay'add ku howlahan la socodka arrimaha xadadka Yurub, Frontex, waxa ay sheegtay in tirada dadka u bareeraya safarka khatarta ah ee looga talaabaya bada u dhaxeyso Waqooyiga Afrika iyo taliyaaniga ay sare u kacday.

Xigashada Sawirka, Reuters
Intii u dhaxeysay bilaha January iyo April, 42,000 muhaajiriin ayaa la sheegay in ay ka tallabaan marinkan.
Tirada guud ee dadka soo-galootiga ee Taliyaaniga gaaray sanadkan 2014-ka waxa ay ka badantahay tirada sanaddii 2011-ka oo ahaa xilligii uu socday kacdoonka carabta markaas oo 140,000 oo qof ay Taliyaaniga si sharci-darro ah ku galeen.
Muhaajirinta sanadkan, intooda badan waxa ay ka yimaadeen waddamada Suuriya, Afghanistan iyo Eritrea.



















